Dowladda Britain ayaa dhalashada muwaadinnimo kala noqotay Mahdi Xaasi oo ah 23-jir asal-kiisu Soomaali yahay oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay argagixisada.
Sanadkii hore, Xafiiska qaabilsan arrimaha ammaanka, socdaalka iyo sharciga ee dowladda Britain (Home Office) ayaa warqad ay waalidiintiis u direen ku sheegay in Mahdi uu qatar ku yahay ammaanka UK “xag-jirnimadiisa” darteed.
Warqadda ayaa lagu sheegay in go’aanka la qaatay kaddib markii la helay caddeymo sir ah, taasoo “aan loo shaacinaynin ammaanka qaranka dartiis”.
Qoyska iyo saaxiibbada Mahdi Xaashi ayaa ku adkaysanaya in tallaabada ay jawaab u ahayd diidmadiisa inuu xogaha kala shaqeeyo Adeegga Sirdoonka Britain (M15).
Sanadkii 2009, Xaashi ayaa wargayska Independent u sheegay in sarkaal ka tirsan sirdoonka M15 oo sanadkii 2008 uu kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Gatwick ee London ku yaalla uu uga digay inuu u safro Soomaaliya, oo uu xilligaa ku booqanayay.
“Wuxuu iiga digay inaan safarka u baxo. Wuxuu igu yiri ‘Wax kasta oo kugu qabsada meel ka baxsan UK ma ahan mas’uuliyaddeena.’ Waan naxay.” Ayuu Mahdi u sheegay wargayska xilligaa.
Waxaa Mahdi lagu qabtay garoonka diyaaradaha Djibouti halkaas oo laga tartxiilay, sida la sheegayna codsi ka yimid Britain ayay saraakiisha socdaalka ee Djibouti tallaabadaas u qaadeen.
Mahdi oo sidoo kale haystay dhalashada Soomaaliya ayaa isaga oo shan jir ah qoyskiisa la tagay dalka Ingiriiska.