Malaaqa Beesha Luwaay, Malaaq Isaaq Ibaahim (Malaaq Isaaq UUS) oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay

0
313

Allaha ha u naxariisto waxa caawa maqribkii degmada Waabari ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow masjidka Muuse Boqor lagu dilay oday-dhaqameed ka mid ahaa odayaashii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Beelweynta Mirifle/Sagaal/Luwaay.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim, Malaaq Isaaq Uus ayaa waxa lagu toogtay Xaafada 1da Maajo ee degmada Waabari wax yar kadib Salaadii maqrib ee caawa, kadib markii ay weerareen rag ku hubaysan bastoolada ay ku dhufteen dhowr xabadood.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, Malaaqa Isaaq ayaa inta uusan dhiman waxa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaalka Daarul- Shifa oo ku dhow agagaarka halka lagu weeraray, hase yeeshee markii dambe ayuu halkaasi dhaawac ahaan ugu dhintay.

Kooxihii dilka gestay ayaa isala markii goobta ka baxsaday, mana jirto wax ciidan ah oo meesha soo gaaray.

Allaha ha u naha xariisteen malaaq Isaaq ayaa waxa uu ahaa malaaqa beesha Luwaay oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Lama yaqaano sababta dilkan ka dambeysa, mana jirto cid ka tirsan hay’adaha amaanka o ka hadashay.

Waxii faahfaahin ah ama warar ah ee dilka Malaaqa Isaaq Ibaahim (Isaaq Uus) dib ayaan idinka soo sheegi doonaa.

Idale News Muqdisho.