AMISOM oo ku kala qeybsantay Siyaasada Jubooyinka, lana kala safatay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Kismaayo

0
246

Iyadoo uu maalmahaan taagnaa khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay madaxweyaha Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee ka jira Kismaayo ayaa arintaasi waxaa ay saameyn ku yeelatay taliska Amisom ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo taliska Ciidamda Kenya ee Kismaayo ku sugan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in khilaafku gaaray heer ay Amisom la kala safato Dowlada iyo maamulka Kismaayo oo kenyaatigu geed fadhi u yihiin.

Taliska guud ee Amisom oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa awoodi waayay shalay wafdi ay u direen Kismaayo inuu gudaha magaalada u galo xili ay galbinayen gudi madxweyna Xasan magacaabay dhawaan kuwaasoo loogu talo galay inay xaliyaan khilaafka dhuxusha ka dhashay.

Shalay galab ayay ahayd markii diyaarad siday wafdi ka kala socday amisom iyo Dowlada ay ka dagatay garoonka diyaaradaha Kismaayo Taliska Amisom ee Kenya ay diideen inay gudaha u galaan magaalada iyagoo ku mar marsiyooday inaaney amaankooda damaanad qaadi karin sidaana uu wafdiguy dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wariyayaal la socday wafdi la soo celiyay ayaa xaqiijiyay in wafdiga Amisom oo uu hogaaminayay sarkaal jabuutiyaan ah iyo saraakiil Dowlada ka tirsan ay isla garteen inay soo laabtaan markii loo sheegay inaaney jirin wax ciidamo ah amaankooda damaanad qaadaya in lagu daro taasoo uu ka danbeeyay sarkaalka xukuma ciidamada kenya ee kismaayo kaasoo loo maleynayo inuu taageero u hayo maamulka KMG ah eeKismaayo isagoo qaadacsan amarkii madaxweynaha ee lagu joojiyay dhoofka dhuxusha.

Si kastaba lama yaqaan is khilaafkaani uu u gudbi doono taliska guud ee midowga Afrika iyo qaramada midoobe madaama xaaladu meel aan fiicneyn ay gaartay.

Idale News Muqdisho