Xiisad ka dhalatey wafdigii Madaxweynaha ee Kismaayo laga soo celiyey iyo Xubnaha Barlamaanka ku kala qeybsamey

0
208

Kulan ay yeesheen xubnaha barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa looga codsadey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay hor yimaadaan barlamaanka si su’aalo looga weydiiyo fadeexadii dowlada ka soo gaartey wafdigii dowlada iyo Amison ka socdey ee laga soo celiyey garoonka diyaarada ee degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo shir gudoominaayey kulanka maanta ayaa waxuu halkaasi laga soo jeediyey aragtiyo kala duwan oo xildhibaanada is dhaafsanayeen oo ku saaban soo celinta wafdiga dowlada ee Kismaayo tagey, waxayna qaarkood tilmaameen in ay sharci daro aheyd in madaxweynuhu wafdi halkaas u diro iyadoo la og yahay in xiriirka dowlada kala dhaxeeya maamulka Jubooyinka uusan wanaagsaneyn, halka xildhibaano ku aragti ah siyaasada madaxweynaha sheegeen in madaxweynaha ku saxsanaa inuu halkaasi wafdi u diro maadaama uu yahay madaxweynihii dalka.

Maamulka Kismaayo qabsadey ayaa isugu jira 3 qeybood oo kala ah, Ururka Raaskambooni, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dowlada Kenya ee hoos taga dalada AMISON balse aan ka amar qaadan, kuwaasoo muddo ka badan sanad jidka ugu soo jirey inay qabsadeen magaalada xeebkada gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo iyo hirgelinta Maamul Goboleed ka kooban Gedo iyo Labada Jubbo, hase ahaatee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadu soo jeedisey aragti ka duwan tan maamulka hadda Jubooyinka iyo Urur goboleedka IGAD ay qabaan. Waana arrinta dhabta ah oo Xudunta u ah  Khilaafka 2da dhinac iyo xiisada taagan, dhoofinta dhuxusha iyo joojinteeda tahay aysan aheyn arrin labada dhinac isku diidan yihiin.

Lama garan karo in xiriirka aadka u xun ee dowlada kala dhaxeeye maamulka ka arrimiya jubooyin ku dambeyn doono iyo Jawaabaha dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisu la hor tagi doonaan marka ay barlamaanka hortagaan.

Idale News Muqdisho