Dhageyso: Madoobe Nuunow” Waxaan U Taagan Nahay In Aan U Hiilino Nabad Galiyada”

0
241

Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Max’ed horayna u ahaa Madaxweynihii maamulka lixda gobal ee Baydhabo looga dhawaaqay ayaa soo dhaweeyey talaabada wasiirka loogu magacaabay.

Madoobe

Madoobe Nuunow oo horay uga tanaasulay Madaxweyne-nimo ayaa sheegay in uu hada qabanayo xilkan, wuxuuna la hadlay dad iskugu soo baxay magaalada Baydhabo oosoo dhaweeyey Wasiirnimadiisa.

Wasiirka cusub ayaa sheegay in uu wax badan uqaban doono shacabka gobaladaas degan, isagoo sheegay in looga baahan yahay taageerayaashiisa in ay kala shaqeeyaan sidii uu uga dhabeyn lahaa balanqaadkiisii horay usameeyey.

Madoobe Nuunow ayaa horay loogu balan qaaday jag wasiirnimo iyo kharashaadkii uga baxay doorashadiisii Madaxweyne-nimo, markii uu tanaasul ka sameeyey maamulkii lixda gobal ee magaalada Baydhabo ka socday.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here