Guriceel (INO) – Wararka ka Imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Halkaas uu hadda ka Billowday Dagaal u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuwa Ahlu-sunna ka Goostay.
Wararku waxaa ay Sheegayaan in Ururka Ahlu-sunna Ciidamadii ka Goostay ee Ciidanka DFS kula Dagaallamayay degmadaas ay hadda inta Badan Degmada ka Baxeen oo Dagaal ay Duleedka Magaalada Kasoo Qaadeen Ciidamada Dowladda ayaa la sheegayaa in ay Kedib Goobo Badan Baneeyeen.
Wariye Jooga Degmadaas ayaa u sheegay Warbaahinta Idale News Online in Ciidanka DFS ay Dhowaan u Hoggaansameen Go’aan ay soo Saareen Guddi Dhexdhexaadin ah oo Dhuusamareeb ka yimid, kaasoo ahaa in ay Labada Dhinacba Ciidamadooda kala Baxaan Degmada kedibna Wada hadalka loo Fariisto, Balse Dhanka kale ee Ahlu-sunna ka Go’ay ayaa diiday Hadalkaas oo Magaalada ayey Gudaheeda sii Joogeen.
Guriceel ayaa la sheegayaa in ay Hadda Xaaladdu tahay mid Kacsan, waxaana ay dadka Degmadaasi ahaayeen Dhowaanahanba kuwo Dibad joog ka ah Guryo iyo Ganacsigii ay Halkaas ku lahaayeen.
Lasoco Wararkii kasoo Kordha Dagaalka ka Billowday Guriceel.
Idale News Online , Muqdisho