Muqdisho(INO)-Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa si weyn loo gilgilay kadib markii weerarkii ugu horeeyay ee Alshabaab la beegsato uu keenay inay ku dhintaan xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda is markaana lagu dhaawaco ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo saddex wasiir.
Xaaladda xukuumadda cusub ayaa u muuqatay shirkii degdegga ahaa ee xalay mid kala daadsan oo talo faraheeda ka bixi rabto, kadib markii shirkaasi wasiir waliba waqti gaar ah yimid madasha qaarkoodna aysan kasoo xaadirin iyadoo Muqdisho ku sugan, qaar ka mid ahna ay shoog ka qaadeen wixii ka dhacay hotelka oo ay ku sugnaayeen.
Shirkaasi oo madaxweynaha uu guddoomiyay waxaa ka muuqatay inaysan u diyaarsaneyn xukuumadda xaalad sidaas oo kale degdeg u ah, waxaana taas sii xoojiyay maqnaanshaha dheeraday ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo tacsi u jooga dalka Kanada oo hooyadii ay ku geeriyootay dhowaan, inkastoo uu maanta dib ugu soo laabtay dalka.
Dhaawaca Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo isna saaka loo qaaday dalka Turkiga si ayaa keenay in xukuumadda tijaabadii ugu horeysayba ay awoodi weyso inay isla qabsato, inkastoo madaxweynaha kaalmo weyn iyo dhiirigelin u fidiyay haddana waxaa ka muuqata in degdeg loogu baahan yahay dardar gelinta shaqada xukuumadda cusub.
Xukuumadda Cumar C/rashiid oo ka kooban 67 marka lagu daro ra’iisal wasaaraha ayaa ah tan ugu tiro badneyd xukuumadihii ugu danbeeyay, waxayna la kowsaneysaa xaalad cakiran oo dhinaca ammaanka oo ahayd tan ugu adag ee mar kasta hor taallay xukuumad kasta oo la dhiso iyo dowladda guud ahaanba.
Falkii qaraxii Hotel Central wuxuu ahaa mid kale oo farriin cad u diray dowladda federaalka oo dhan, wuxuuna tilmaan cad siiyay siyaasiyiinta talada heysa oo arkaya meesha ay dowladnimadu u dhimaneyso haddii aan wax laga qaban ee AMNIGA; waxaana u taalla inay wax ka qabtaan oo dalka jidka dib u soo kabashada ku ridaan ama ay is jiidjiidkoodii macne la’aanta ahaa iyo dhaqaale kasbasho ku mashquulaan oo xaaladda uga sii daraan
Idale News Online, Muqdisho