Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa Dowlada dalka Kenya ugu baaqday in baaritaan dagdag ah oo madax banaan ay ku samayso Booliis la sheegay in ay tacadiyo ay u gaysteen dad rayid xaafado ku yaala dagmada Mandera iyo Garissa ee gobolka Waqooyi Bari .
Warbin ay soo sartay HRW oo soo xiganaysa goob joogayaal dhowr ah ayaa warbixinteeda waxa ay ku sheegtay in Booliiska ay garaaceen islamarkana ay si xun ula dhaqmeen dad rayid ah ka dib weeraro looga shakiyay Kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka waqooyi bari gaar ahaan Mandera iyo Garissa.
Baaritaanka ay hay’ada xuquuqda aadanaha ee HRW ka samaysay gobolka waqooyi bari ayaa muujinaysa in sedex dhacdo ay Booliiska Mandera iyo Garissa bishii September iyo bishan October ee sanadkan ay iyaga oo ka jawaabaya weeraro goobahaasi ka dhacay Booliiska fuliyeen howlgalo ay tacadiyo kula kaceen dadka rayidka ah ee ku nool xaafadaha ay weerarada ka dhaceen.
4 qof oo goob joogayaal ah oo ay hay’ada HRW siyaabo kala duwan ay waraysiyo uga qaaday kuwaasi oo ka waramay dhacdo 19 bishan ka dhacday Garissa halkaasi oo 40 qof ay tacadiyo u gaysteen Booliis ilaalo u joogay meel u dhaw saldhiga ciidamada AP ee Miraa Road oo u dhaw Library Garissa.
Dadkani goob joogayaasha ayaa sidoo kale u sheegay hay’ada HRW in markii ay saacadu ahayd 7:30 habeenimo 19 bishan October ay maqleen qarax wayn magaalada Garissa qaraxaasi ka dibna ay Booliiska fuliyeen howlgal socday habeenkaas oo dhan oo ay dadka garaacayeen ayna ku burburiyeen hanti badan.
Sida ku cad warbixintan ay maanta soo saartay hay’ada HRW 1-dii bishaan October ayaa waxaa dad rayid ah tacadiyo loogu gaystay xaafada Bula iftiin ee magaalada Garissa.
sidoo kale 12 qof oo goob joogayaal ah ayaa HRW u sheegay in ciidamo isugu jira Booliis ,AP ,GSU iyo kuwa rabshadaha ka hortaga ay howlgal socday 2 saacadood ay ka fuliyeen xaafada Buula Iftiin ka dib weerar 9:30 p.m ee 1 bishan lagu qaaday saldhig booliiska oo halkaasi ku yaalay .
Dadkani goob jooga u ahaa howlgalkii habeenkaasi ka dhacay buula iftiin ayaa HRW u sheegay in 20 daqiiqo ka dib weerarkaasi lagu qaaday saldhiga Booliiska bula iftiin in halkaasi lagu soo daadiyay ciidama badan kuwaasi oo bilaabay in albaabada guriyaha ay laad ku furaan ayaga oo garaacayay caruurta ,iyo haweenka una hanjabaya dadka xaafada.
“Waa in aan xaqiijinaa in aan idin dilno dhamaantiin argagixisada ah ka hor inta aadan na dilin waxaa sidaasi HRW u sheegay mid ka mid ah goob joogayaashii howlgalkaasi oo sheegay in erayadaasi uu ka maqlay mid ka mid ah askartii howlgalka fulinaysay.
Qaar ka mid ah dadkii waxyeelada loogu gaystay howlgalka xaafada bula iftiin 1 bishan october ayaa waxa ay HRW u sheegeen in xitaa ay garanayaan askartii dhibaatada u gaysatay.
Warbixintani ay maanta soo saartay hay’ada HRW oo ah warbixin dheer islamarkaana faahfaahin ka bixinaysa tacadiyadii ciidamada amaanka ay ka gaysteen gobolka waqooyi bari ayaa ah mid ay dowlada kaga dalbanayso in dadkii ka masuulka ahaa tacadiyadani la soo xiro cadaaladana la hor keeno .
HRW ayaa sidoo kale ka warbixisay dhacdo kale oo ka dhacday dagmada Mandera halkaasi oo ay ciidamada amaanka tacadiyo ugu gaysteen dad rayid ah.
HRW oo soo xuganaysa dad goob joogayaal ah ayaa warbixnteeda ku xustay in In 15-kii September ee sanadkan dagmada Mandera ciidamo Booliis ah oo ka kooban qaybaha kala duwan oo uu hogaaminayo taliye si wayn looga yaqaano Mandera ayaa waxa ay si xun u garaaceen islamarkana ay tacadiyo kula dhaqaaqeen dadka xaafada bulla power ee dagmadaasi Mandera ka dib gari Booliis ah oo marayay xaafadaasi oo qarax lala eegtay.
7 qof oo ka mid ah dadka ay Booliiska ugu gaysteen tacadiyada xaafada Buula Power ee dagmada Mandera ayaa HRW u sheegay in ay garanayaan wajiyada askartii tacadiyada u gaysatay.
Dhibanayashani ayaa HRW sidoo kale u sheegay in markii ay tageen saldhiga Booliiska ee Mandera si ay dacwadahooda u gudbiyaan ay u diideen in ay galaan gudaha isla askartii tacadiyada u gaystay islamarkaana ay ugu hanjabeen in hadii ay soo laalaabtaan ay dhibaato kale la kulmi doonaan .
Leslie Lefkow agaasima ku xigeenka HRW u qaabilsan qaarada Africa ayaa sheegay in ayada ay jirto dowlada ay marar badan balan qaaday in ay baarayso tacadiyadani hada aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya tilaabo dhab ah oo ay dowlada ka qaaday dadkii tacadiyadani u gaystay dadka gobolka waqooyi bari .
Lefkow ayaa ku nuuxnuxsaday in dowlada Kenya laga doonayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furto baaritaano ayna cadaalad horkeento askartii gaysatay tacadiyadaasi.
Ma ahan markii ugu horaysay oo HRW ay laamaha amaanka ee dalka Kenya ku eedayso in ay tacadiyo ka gaysteen gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya .
Idale News Nairobi Kenya