Baydhabo(INO)-Golaha Aqoonyahanada koonfurta Soomaaliya iyo Siyaasiga wayn ee koonfur galbeed Cabdullaahi Maxamed Idriss oo Maanta Shir Jaraaid ku Qabtey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ee xafiiska Golaha aqoonyahanada degmada baydhabo ayaa waxay ka hadleen Kufsiga iyo Dhaca lagu haayo dadka ku safra Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo , iyadoo ay hore ugu sameeyeen Banaanbax Gaadiidleyda ka shaqeyso Wadadaas , waxaa hore arintaas ugu hadley Taliyaha Qaybta 60 naad Jeneraal IbraahimYarow, Manajirto ilaa iyo Hada arintaas cid wax ka qabatey.
Shirka Jaraa’id oo Maanta ay Qabtaaeen Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta ayaa waxaa ka hadley Siyaasi Wayn ee Cabdullaahi Maxamed Idiris (Leesto) , waxuuna sheegey in Muddo 12 Beri ay Xirantahay wadadaas ayna Joojiyeen Baabuurta Kusocdaasha Wadadaas u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo , taasoo ay waxyeelo dhac iyo Kufsi loo geesto Shacabka kusafra Wadadaas, Iyadoo lagu eedeynayo Dhalinyaro wadato Dareeska Ciidan Dowlada ayaa Siyaasiga sheegey inay arintaas ay thay mid Siyaasadeysan ooloogu talagaley in lagu Barakiciyo Shacabka Deegaanka Koonfur Galbeed.
Mudane Cabdullaahi Maxamed Idiris ayaa baaq u jeediyey in arintaan ay soo farageliyaan Hayadaha Xaquuqal insaanka Qaabilsan , Cabdullaahi Leesto ayaa dhacdadaas ka ilmeeynayey xiligii uu ka hadlayey Arimahaasi Foosha xun oo ay sameynayaan
Ugu Dambeyntii Ciidamada ku libisan Dareeska ciidanka , waxuu kaloo sheegey in Wadooyinka shabeelada Hoose iyo Gobalka Baay ay mar waliba lagu sameeyo xadgudub iyo dhac ayuu kusoo gabgabeeyey Cabdullaahi lesto.