Sida Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya sheegayaan waxaa weli socda dadaaladii ugu dambeeyay ee magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub ee dowladda uu hogaaminaayo ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Wax ka yar 48 Saacadood gudahood ayaa la filayaa in lagau dhawaaqo magacyada ka mid noqon doona xubnaha cusub ee golaha wasiirada ee ra’iisul wasaare Saacid. Waxaa jirta in laga gudey ismari waagii u dhexeeyey tirada wasiirada iyo magacyada xubnaha kamid noqon lahaa golaha wasiirada lagana wada heshiiyey. Waxaana lagu wadaa in la shaaciyo liiska wasiiradaha iyo wasiiradooda maanta ama ugu dambeyn maalinta isniinta ee socota, iyadoo munaasabada ku dhawaaqista wasiirada cusub uu goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan gudashada Xaj ee sanadkaan ugu kicitimin wadanka Sacuudi Arabia.
Warar hordhac ah oo idalenews ay heleyso ayaa sheegaya in xubnaha wasiirada cusub oo la filaayo in ay noqdaan inta u dhexeysa 18 ilaa 23 wasiir ugu badnaan, hase ahaatee intooda badan yihiin wajiyo ku cusub siyaasadda dalka iyo xilalka wasaaradaha marka laga reebo hal ama labo wasiir ugu badanaan oo horey xilal wasaaradeed u soo qabtey.
Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa loo wadaa in loo magacaabo C/kariim Xuseen Guuleed, iyadoo rag beeshiisa ka soo jeeda sida Yusuf Garaad iyo Axmed C/salaam ay tartar adag iyaguna ugu jiraan in loo magacaabo balse liiska kama dambeysta ee wasaaradaasi loo gartey in C/kariim Xuseen Guuleed loo magacaabo.
Wasaarada Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa warar hoose ay sheegayaan in loo magacaabi doono Faarax C/qaadir oo in badan ku dhex jirey waxbarashada dalka tan iyo burburkii Somalia, isla markaasna waxay xiriir iyo saaxiibo dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Dibada, Warfaafinta ayaa ka mid noqon doona meelaha ay qaadanayaan ragga ka soo jeeda kooxda Damu Jadiid iyadoo taasi ay ka mid ahayd balamihii Ra’iisul Wasaare Saacid lala galey ka hor inta uusan madaxweynuhu u dooran xilkaas.
Laakiin dhanka kale, sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay inuu filayo in golaha wasiirada ay noqdaan kuwii ugu tayada badnaa ee soo mara xukuumadihii la soo dhisay tan iyo burburkii dawladii dhexe.
Dad badan ayaa isha ku haya qaabka xukuumaddan cusub u hawlgali doonto marka la shaaciyo, iyadoo aad looga sugayo in waxqabad dhab ah oo ka duwan kii xukuumadihii ka horeeyay ay la timaado; waayo waxaa loo arkaa in Golaha Wasiirada ee Xukuumada Saacid ay heysato fursado aan marnaba soo marin xukuumadihii ka horeeyay dhan kasta.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa la dhowrayaa gole cusub oo sida uu sheegey la dagaalanto musuqmaasuqa hareeyey hay’adaha dalka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com