Nin u dhashey dalka Talyaaniga oo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi ku shaqo waayey ayaa dab isku hor qabad siiyey Madaxtooyada looga arrimiyo dalkaas. ninkaasoo la sheegey inuu welwel iyo cabsi noloshiisa iyo tan qoyskiisa ay soo food saartey kaga timid shaqo dhimis ay dowladdu ku dhaqaaqdey.
Ninkaas cabsida ka qaadey shaqo la’aanta ka jirta dalka Talyaaniga ayaa da’diisu aheyd 55 jir, ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Romania. Ciidanka Booliiska Talyaaniga ayaa sheegey in ninkaan uu khamiistii shaley aheyd dab isku qabtey laakiin waxay sheegeen in inta uu ficilkaani sameynin uu qamri aad u badan soo cabey.
Boliiska ayaa sheegey in ay isla markiiba u gurmadeen ninkaasi, waxayna ku guuleysteen in damiyaaan dabkii qabsadey qeybta hoose ee jirkiisa, waxayna ula carareen isbitaal u dhow halkaas, aadna ula tacaaley badbaadinta nolosha ninkaas oo hadda la sheegey in xaaladiisa caafimaad ay fiican tahay laakiin ka gubtey lugaha iyo qeybaha hoose ee jirkiisa oo dhan.
Ninkaan ayaa shaqadiisu aheyd wade gaadiidka dowlada, hase yeeshee shaqadii uu haayey laga fariisiyey ka dib markii ay dowladdu ku dhaqaaqdey dhimista shaqaalaha faraha badan ee dowladda, taasina waxay ninkaani ku abuurtey inuu ka welwelo masiirka iyo nolosha xaaskiisa iyo gabar uu dhaley sidaasna waxaa warbaahinta u sheegey nin ay saaxiibo gaar ah ahaayeen.
Ma ahan markii ugu horeysey uu fal noocaan oo kale oo shaqo darida ka jirta dalka Taliyaaniga dad badan ay dab isqabadsiiyaan ka dhacdo gudaha taliyaaniga, bishii August ee Sanadkaan ayaa sidoo kale waxaa dab isku qabtey 54jir waayey shaqaddii part time aheyd ee uu haayey.
Xigasho (Roma HWN/Reuters)