Maamul Goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Ilaalada xeebaha Puntland ayaa soo bandhigey hub badan oo isugu jira noocyada kala duwan ee kuwa fudud iyo kuwa culus iyo Miinooyin, waxeyna sheegeen in ay ka soo saareen god halkaasi ku yaaley oo lagu qarinayay.
Masuliyiinta hubka soo bandhigey ayaa waxey sheegeen in dadka deegaanku ay ku soo wargasheen in hub halkaasi lagu qariyay dabadeedna ay si fudud ku abaareen halkii lagu qariyay.
Lama sheegin wax cid ah oo hubkan lagu soo qabtey iyo cid lagu tuhunsan yahay in ay hubkan ku qarsheen goobtaasi
Gudoomiyaha oo saxaafada kula hadlaayey dekadda weyn ee Magaalada Bosaaso ayaa sheegay inay hubkan kasoo qabteen degaanka qandala kadib markii ay maamulka degmada qandala ku soo wargeliyeen in degaankaas ay dooni kateentay hub aad u fara badan isla markaana ay gacanta ku dhigeen balse ay baxsatay doontii sidey iyo rag ajaaniib ah oo la malaynaayo inay u dhasheen dalka yemen oo doontaas hubka sidey la socdey.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in hubkaas lagu dejiyey meel u dhow degmada qandala kadibna ay arkeen dadka degaanku ayna soo wargeliyeen Maamulka degmada qandala waxaana isla markiiba goobtaas ku baxay ayuu yiri maamulka degmada kadibna gacanta ku dhigay hubkaas isagoo ku amaanay hawshaas ay dalkooda iyi dadkooda u qabteen dadka degaanka qandala iyo weliba Maamulka qandala.
Gudoomiyuhu si cad uma aanu sheegin cida sida dhabta ah loogu wadey hubkaas hase ahaate waxa uu sheegay inay samayn doonaan baaritaano balaaran oo ay arintaas ku oganayaan,balse waxa tilmaamay inay tuhmaayaan kooxo argagixiso nabadiid ah.
Taliyaha Ciidamada Badda Dawlada Puntland Col: C/risaaq Diiriye ayaa sheegay inay hubkan qabashadiisa ay qaybta ugu weyn lahaayeen dadka degaanka qandala iyo Maamulka degmada isagoo amaan duldhigay shacabkaasi iyo Maamulkooda degmada, wuxuuna balan qaaday inay ciidamada baddu gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda inay Puntland khalkhal ka gelisa dhanka badda iyo dhan kasta oo loo baahdo.
Maahan Markii ugu horaysay oo xeebaha Gobalka bari laga soo dejiyo hub, oo ay gacanta ku dhigaan ciidamada amaanka Puntland waxay ahayd bilo ka hor markii hub fara bada laga soo qabtay degaanka Baargaal hase ahaate hubkan ayaa noqonaaya kii ugu badnaa ee ay gacanta ku dhigaan ciidamada amaanku Hubkan oo iskugu jira , Madaafiicda waaweyn,Garnaylada garabka lasaaro,Hub fudud iyo weliba wax yaabaha qarxa ee dhulka lagu aaso.
Qabashada hubkan ayaa ah caalamad muujinysa sida ay u feejigan yihiin dadweynaha reer Puntland isla markaana wada shaqayn dhow ay ula leeyihiin ciidamada amaanka Puntland iyo Maamulada degmooyinkooda, sidoo kale dhacdadan ayaa ah mid fariin dhanka amaanka xeebaha ah u diraysa dawlada Puntland ayna muujiyaan karti siyaasadeed oo ay kula soconayaan arrimahan oo kale.
Idale News Bosaaso.