Wafdi ka socda IGAD oo gaarey Kismaayo

0
271

Wafdi isugu jira urur goboleedka IGAD iyo masuuliyiin beelaha degan gobolada Jubooyinka ayaa maanta gaarey magaalada Xeebta ah ee Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo ka yimid dhanka dalka Kenya.

Wafdigaan oo uu hogaaminayey Mudane Maxbuub Macalin oo ah Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, dhowaana booqasho ku tagey Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay madaxda dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta kulamo kula yeesheen xarunta maamulka degmada Kismaayo madax ka socota ciidamada huwanta ee la wareegay dhowaan magaalada Kismaayo.

Guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyey waxayna wafdigaan ugu horeyn ka warbixiyeen kulankii ay Muqdisho kula yeesheen madaxda dowladda Federaalka gaar ahaa Madaxweyne Xasan ka dibna waxay  kala hadleen madaxda magaaalada Kismaayo qaabka ugu wanaagsan ee maamul loogu sameyn karo gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ka socda IGAD ayaa kulamo la qaatay gudoomiyaha kooxda Raas Kambooni Sheekh Axmed Madoobe iyo Taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya ee halkaas jooga. Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay gudoomiye ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Col. Yasiin Nuur Gaas iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.

urur Goboleedka IGAD ayaa dadaal ugu jira maamul ay yeelato maamul goboleed caasimadiisu tahay Magaalada xeebta ah ee Kismaayo kaasoo dhamaan qeybka kala duwan ee siyaasada gobolka isku haaya ay u wada dhan yihiin, halka dhanka dowladda Somalia sheegtey in ay iyadu leedahay masuuliyada maamul u sameynta gobolada Somalia.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com