Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo codsi u direy ciidamada Midowga Afrika ee Jooga Soomaaliya

0
291

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Soomaaliya ayaa codsi gaar u direy Ciidamada AMISON oo gacanta ku haaya inta badan xarumaha waaweyn ee ku yaala magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo goballada dalka Somalia. Xiriirka ayaa ka codsadey ciidamada AMISON oo haatan ku sugan Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho inuu baneeyo garoonka si halkaasi loogu qabto ciyaaraha gobolada dalka iyo ciyaaraha horyaalada dalka Soomaaliya.

Warar sugan oo laga helaayo masuuliyiinta AMISON ayaa sheegaya in ay aqbaleen in ciidamadooda kala baxaan Garoonka Stadium Muqdisho si xiriirka Somaliyeed (Somali FA) u dayactiro isla markaasna ay u noqoto hoyga ciyaaraha kala duwan ee dalka.

Ciyaaraha horyaalka Soomaaliyeed ayaa hadda waxaa lagu qabtaa garoon  furan oo ay leedahay Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed (Somali National University) oo aan u qalmin in ciyaaro heer qaran lagu qabto, sidoo kalena waxaa jira in galinka hore ee maalin kastaa garoonkaasi yahay meel qaadka magaalada lagu soo dejiyo oo ay baabuuro qaadka daabula wado u ah.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com