Madaxweynaha Somalia iyo Xoghaye Guud ee IGAD Mr. Maxbuub Macalin oo Muqdisho Kulan ku qaatey, kana wada hadlay Arrimaha Geeska Afrika

0
266

Kulan maanta Xarunta Madaxtooyada ku dhax marey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Mudane Maxbuub Macalin ayaa looga wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya .

Mr Maxbuub Macalin, Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa ah nin Soomaali ah, kana soo jeeda Somalida Kenya, haatana ku howlan maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya sida war ka soo baxey dowladda lagu sheegey.

Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD tageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com