Maamul KMG oo IGAD u magacowdey Gobollada Jubooyinka

0
232

Maamul KMG oo xaruntiisa tahay Magaalo Madaxda Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa looga dhawaaqey gudaha dalka Kenya kaasoo lagu magacaabey guddi 6 qofood ka kooban oo si kmg ah u sii wadi doona howsha maamulka gobolada Jubooyinka ka hor shirweyne la filaayo inuu Kismaayo ka dhaco bisha December oo lagu dhisaayo maamul goboleed rasmi ah oo dadka deegaanku dhistaan.

Shir IGAD ugu socday tan iyo bilowgii bishaan October kagana arrinsanayeen maamul u sameynta Gobalka Jubbooyinka ayaa ugu dambeyntii waxay xubnihii shirkaas joogey isla garteen in la magacaabo Guddi hal dhinac ka kooban, madaxna u yahay horjoogaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Madoobe inuu si kmg u wadaan maamulka gobalka.

Maamulka kmg ayaa ka kooban:
1. Sheekh Axmed Madaoobe, Guddoomiyaha Goballada Jubooyinka & Madaxa Degmada Kismaayo
2. Axmed Carab, Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka Gobalka & K/Xigeenka Madaxa Degmada Kismaayo
3. Gen Ismail Saxardiin, Madaxa Guddiga Amniga Gobalka.
4. Cabdinaasir Seeraar, Madaxa Arrimaha Bulshada iyo Afhayeenka Gobalka
5. Muuse Gaab, Madaxa Maaliyada & Maareeyaha Guud ee Maamulka Dekada Kismaayo
6. Mr. Xujaale, Madax Garsoorka & Cadaalada Maamulka Gobalka

Taliyaha Ciidanka AMISON ee Jubooyinka ahna Sarkaal ka soo jeeda dalka Kenya, Col. Nyagah ayaa joobjoog ka ahaa magacaabista Guddiga KMG ee maamuli doono goobaha ay la wareegeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.

Kenya ayaa u muuqata mid door weyn ka ciyaaraysa maamul goboleed ka hanaqaada jubooyinka, iyadoo sidoo kalena sheegtey in shirweyne lagu dhisaayo maamul uu  yeesho gobollada jubooyinka lagu qaban doon degmada Kismaayo dhamaadka sanadka aynu ku jirno (December 2012).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax taageero ama diidmo ah kala hor imaan dhismaha maamulkaan kmg ee laga dhisey Kismaayo, hase ahaatee xildhibaano sheegtey iney ka soo jeedaan gobalka ayaa iyagu ku tilmaamey howsha IGAD ka wado Somalia mid hal dhinac ah oo aan loo dhameyn.

Magaalada Xeebta ah ee Kismaayo ayaa noqotey xudunta Kilaafka Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka tan iyo markii ay burburtey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa magaalada ku soo noqnoqdey dagaalo u dhaxeeya beelo ku hardamaayo gacan ku haynta maamulka Gobolka, gaar ahaan magaalada dekada ah ee Kismaayo oo dhaqaale badan ka soo xaroodo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com