Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safar uu Ku Tagey Dalka Ugandha.

0
235

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalka Ugandha halkaasi oo uu kaga qeyb galay Munaasabad lagu maamuusayey sanadguuradii ka soo wareegatay waqtigii dalka Ugandha ay xornimada ka qaateen gumeystihii xiligaasi gumeysan jiran.

Madaxweynaha oo ay safarkiisan ku wehliyeen, xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Taliya guud ee ciidamada Xooga Dalka iyo weliba agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde International Airport ku soo dhaweeyay marti sharaf iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Osman Jawaari.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay ujeedada safarkiisa ayaa sheegay in uu dalka Ugandha kaga qeyb galay Munaasabd ballaaran oo lagu xusayey sanad guuradii ka soo wareegtay xornimadooda. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay inuu halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay madax kala duwan oo ka kala socotay wadamada caalamka kuwaasi oo uu sheegay in ay kawada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sidii dalka Soomaliya dhibaatada mudada ragaadsatay looga saari lahaa.

Safarkani ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo 10-kii September, sanadkan gudihiisa.