Rag Al Shabaab Looga Shakisanyahay iyo Bambaanooyin Casri Ah oo Laga Soo Qabtay Degmada Hodan.

0
227

Dhamaan qeybaha kala duwan ee Hay’adaha Nabad Sugidda Iyo Kuwa Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo mudooyinkii dambe si aad ah u xoojinayey Amaanka Magaalada Mudisho ayaa howlgalo ballaaran oo ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado dhoor ah oo katirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo qabteen Bambaanooyin casri ah oo iyo rag looga shakisanyahay in ay kamid yihiin Kooxda Al Shabaab.

Ciidamadan Nabd sugidda iyo booliska dowladda oo Howlgalkooda bilaabay Aroornimadii xilli ay dadku jiifaan ayaa ayey gacanta ku soo dhigeen walxahan qarxa iyo dadkii looga shakiyay in ay watee isla markaana ay jireen tuhuno aad u weyn oo ku aadan ragani la soo qabtay in yihiin kuwa ku lug leh falalka amni darada ah ee Muqdisho ka jira kuwaasi oo ay ka dambeeyaan kooxda Al Shabaab, dadkani laga soo qabtay dhoor xaafadood oo ka tirsan degamada Hodan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ilaa iyo 360-qof oo dhamaantood looga Shakisanyahay in ay Al Shabaab yihiin isla markaana Bambanaooyinkan casriga ah ay damacsanaayeen in ay ku weeraraan goobaha ay ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM.

Goobta la sigu keenay ragani iyo hubka la soo qabtay oo aheyd Saldhiga Degmada Hodan ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Laanta Dambi Baarista CID-da, Col C/Laahi Xasan Bariise asagoo sheegay in Howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay 36 Bambaano oo Nuuca gacanta laga tuuro ah kuwaa oo ah nooc cusub oo aan hore loo arki jirin lagana soo qabtay Guri kuyaala Degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in Lasii daayay dad gaaraya ilaa 300-qof hasa ahatee 60-kamid ah Dadkaasi loo gudbiyay Xarunta Dambi barista CID-da kuwaa uu sheegay in shakiyo badan oo ku aadan in Al-Shabaab yihiin laga qabo baaritaana Dheeraad ahna lagu sameyn doono si loo kala xaqiijiyo in ay dambi leeyihiin iyo inkale.

Howlgalkani aadka u ballaaran ee laga sameeyay degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa ahaa kii ugu weynaa ee Mudooyinkan laga sameeyo Degmada Hodan oo inta badan ka dhacaan Falal ka baxsan amaanka ayna geestaan dad lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsanyihiin.

Arintani ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli Hay’adaha Aminga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee mudooyinkii dambe xooga saarayeen xaqiijinta Amniga Magaalada Muqdisho isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo qal qal galin kara Nabadgalyada iyo Amaanka Shacabka Soomaaliyeed.