Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Ugandha.

0
249

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay aheyd magaalada Kampala ee caasimadda Ugandha kula kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, ayadoo madaxweynuhu soo dhaweeyn aad u ballaaran u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Kulankan Madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshay Jaaliyadda ku dhaqan dalka Ugandha ayaa waxa uu ka dhacay  Hotelka magaalada Kampala uu ka degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayadoo ay kulankaasi ka soo qeyb galeen boqolaal ruux oo ka tirsan Jaaliyada Soomaalida, kuwaasoo isugu jira Odayaal, Ganacsato, Waxgarad, Haween iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Uganda.

Qaar badan oo kamid ah dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si weyn ugu hambalyeeyay madaxweynahay Soomaaliya ayagoo sidoo kale Madaxweynaha uga mahadceliyay kulanka ballaaran ee uu fidiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ugandha.

Madaxweynaha oo asagana halkaasi ka hadlay ayaa Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka Ugandha waxa uu uga warbixiyay xaaladda dalka iyo weliba halka ay mareyso ayadoo madaxweynuhu rajo weyn ka muujiyay in xaaladda Soomaliya ay wax badan iska badali doonaan isla markaana ay dadku heli doonaan nidaam iyo kala dambeyn ay ku diirsadaan.

Prof. Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlayay qorshayaasha soo socda ee dowladda waxaa uu xusay in qorshuhu yahay Afarta sano ee soo socota in guud ahaanba dalka la xasiliyo, iyadoo la hirgelinayo mashaariic hormarineed, isla markaana qorshayaasha xasilintana ay ugu horeyso guulaha hada ay Dowladdu ka gaartay xoreynta dalka.

Kulanka Madaxweynaha  Soomaliya uu la qaatay Jaaliyadda Dalka Ugandha ayaa waxaa ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Kulankan aadka u ballaaran uu la qaatay Madaxweynaha Jaaliyada ku dhaqan dalka Uganda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu la yeesho jaaliyadaha ku nool dibada tan iyo markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya 10-ka bishii hore ee sanadkan.