Aqoonyahanada Beesha Hubeer ee North America oo ka hadlay Maamul u Sameynta Jubooyinka

0
270

Kulan balaaran oo ay North America ku yeesheen Aqoonyanahada iyo waxgaradka kale ee Beesha Hubeer ee Jubooyinka  ayey kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Gobollada Jubooyinka. Kulanka aqoonyahanada ayaa ugu horeyntii waxay soo dhaweeyeen magacaabista Raiisul Wasaaraha  cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Dr. Saacid), waxayna u rajeeyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo xukuumada uu dhisi doono iney noqoto tii ummadda Soomaaliyeed ka saarta dhibta dheeraatey horumarna u horseeda.

Aqoonyahanada Beesha Hubeer oo ka hadlaayey maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegey in dalka yahay dal xor ah oo aan gumeysi ku jirin, isla markaasna leh dowlada Soomaaliyeed oo rasmi ah, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in dowladda Somalia ay hoggaanka u qabato maamul u sameynta  goboladaas oo ay degan yihiin beelo kala duwan oo Soomaaliyeed si loo helo maamul sal adag oo dadka deegaanku u wada dhaxeeya oo cadaalad ku dhisan, kana dhowrsan sadbuursi, eex iyo is kooxeysi toona. Sidoo kale beesha Hubeer ee jubooyinka waxay xuseen in dowlada Somalia looga baahan yahay in dalalka deriska gaar ahaan Kenya iyo Urur Goboleedka IGAD kala hadasho farogalinta maamul u sameynta gobalka iyo abuurista khilaaf beelaha walaalaha ee Soomaaliyeed ee wada dega jubooyinka ka dhex aloosma.

Ugu dambeyntii, waxay aqoonyahanada iyo dhamaan qeybaha kale ee beesha Hubeer ee ka soo jeeda Jubooyinka ugu baaqeen dadka deegaanka Jubooyinka inay iyagu yihiin dad aan is hureyn waligoodna si nabad ah ugu wada dhaqnaa gobalka hase ahaatee markaan looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan waxii iska horkeeni kara, dadka deegaankana si wadajir ah u dhistaan maamul loo dhan yahay oo beelaha deegaanka si siman oo cadaalad ku jirto ugu dhaxeeya si looga hortago colaad dambe iyo cabasho beelaha qaar lagula kaco.

Wa Bilaahi Towfiq

Dhaqanka & Aqoonyahanada Beesha Hubeer ee Jubooyinka.