Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Somalia Dr. Saacid Faarax Shirdoon ayaa la filaayaa inuu soo magacaabo tiro wasiiro oo kooban oo aan ka badneyn 18 wasiir oo ku saleysan habka awood qeybsiga dowlada cusub ee Somalia lagu soo dhisey. Kulan wadatashi oo uu Ra’iisul Wasaaraha cusub Somalia Dr. Saacid uu la qaatey xildhibaanada barlamaanka ayuu ku sheegey in xukuumadiisu noqon doonto mid kooban oo ka shaqeysa rajo soo celinta dadka iyo badbaadada Qaranka, sidoo kalena tilmaamey in xubnaha cusub ee golahiisa noqon doonaan dad cusub oo leh aqoon, kari & hufnaan shaqo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed oo kulanka ka hadley ayaa iyaguna soo jeediyey in beeluhu is dulsaaran yihiin sidaas darteedna ku taliyey in la kordhiyo tirada ka mid noqoneysa golaha cusub ee wasiirasada lagana dhigo ilaa 23 wasiir kuwaasoo aan lagu soo darin dadka lagu eedeynaayo mushmaasuq hore iyo hogaan xumo isla markaasina aad uga deeqtoon hantida Qaranka .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u riyaaqey qaar ka mid ah talo soo jeedinta xildhibaanada, hase ahaatee sheegey inuu marka hore isku dayi doono in beeluhu ku qancaan 18 wasiir ee uu isugu daneynaayo inuu ku soo koobo xukuumadiisa, balse haddii laga fursan waayo sheegey in la gaarsiin doon ugu badnaan 23 Wasiir. Waxa uuna ka codsadey barlamaanku Somalia in ay danta guud ee dalka ka hormariyaan tooda gaarka ah si loo helo horumar deg deg ah loona soo celiyo nidaamkii iyo kala dambeynta dalku lahaa dadkuna u helaan nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ku dhamaadey is afgarad. Waxaana Ra’iisul Wasaare Dr. Saacid looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo sida uu sheegey soo celisa rajada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed, isla markaasina u taagan badbaadinta Qaranka, qancisana dhamaan dadka Soomaaliyeed oo in ka badan 22 sano la daalaadhacaayey cadaalad daro iyo masuqmaasuq ay ka tabanaayeen masuuliyiinta dowladda, cid la xisaabtanta oo wax ka qabatana aan helin.
Dowladda Soomaaliya oo ku dhisan nidaamka 4.5 ayaa haddii 18 wasiir lagu soo koobo waxay beeluhu u helayaan sidaan:
Digil iyo Mirifle: 4
Daarood: 4
Hawiye: 4
Beesha Direed: 4
Beesha 5aad: 2
Dhanka kale, Haddii Ra’iisul Wasaaruhu ay ku adkaato saamiga beelaha waxaa suurtogal ah inuu qaato soo jeedinta kale ee ah in Golaha cusub la gaarsiiyo 23 Wasiir, taasoo 4ta beelood midiiba la siinaayo 5 wasiir halka beesha 5aad helayaan 3 Wasiir, taasoo loo badinaayo in Ra’iisul Wasaaruhu qaato si xukuumadiisu ay u hesho codka kalsoonida marka barlamaanka la horgeeyo.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
idalenews@yahoo.com