Beesha Caalamka oo isku mid ah u soo dhoweysay Ra’iisul Wasaaraha Cusub, Abdi Farah Shirdoon “Saacid”

0
227

Qaramada Midoobeiy, Midowga Afrika, Dowlada Ingiriiska iyo Ururka Midowga Yurub oo isku mid ah u soo dhaweeyay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

War saxaafadeed loogu talagaley uu soo saaray u qaabilsanaha Madaxa Xafiiska Qaramada Midooybey ee Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Cusub Cabdi Faarax Shirdoon  sidoo kalena sheegeyna inuu aad u soo dhaweynaaayo magacaabista Saacid loo magacaabey Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya. Ampassidor Augustina Mahiga ayaa dhanka kale ka codsaday Ra’isilwasaaraha Cusub in uu la yimaado shaqo hufan oo wanaagsan oo ku dhisan daacadnimo iyo xukuumad tayo leh oo la jaan qaada isbadalkaan cusub eeka dhacay Soomaliya waa dhanka siyaasade.

“Qaramadda midoobay waxay soo dhaweyneesaa Ra’sil wasaaraha cusub eeSoomaaliya Cabdi faarax shirdoon waxana ugu baaqayaa in uu layimaadowax qabad iyo isbadal muuqda kaa oo la socon kara isbadalkasiyaasadeed ee ka dhacay Dalka Soomaaliya”Ayuu war saxaafadeed kiisaku yiri Aagustina mahiiga.

Sidoo kale ergeyga gaarka ah ee midowga yurub u qaabisan arimahasomalia haweeneyda la yiraahdo Michele Cervone d’Urso ayaawarsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku soo dhaweysay reysulwasaaraha cusub , waxana ay kula talisay inuu soo dhiso xukuumad tayo.

Waxaa isna sidoo kale bogaadin iyo soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare cusub ay ka soo yeertey Ms Michele Cervone d’Urso oo sheegtay in midowga yurub diyaar u yahay in uu wada shaqeyn buuxda la yeesho xukuumada Ra’iisul Wasaare Abdi Farah Shirdoon Saacid ayna ku faraxsan yihiin.

Xafiiska Warqabadka Idale News, Nairobi, Kenya
idalenews@yahoo.com