Shir Maamul loogu dhisayo Gobolada Dhexe oo Madaxtooyada Soomaaliya ka socda.

0
205

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka soconeysa Munaasabad lagu Saxiixayo Maamul loo dhiso Gobollada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

golaha WasiiradaDamjadiid

Munaasabada ayaa waxaa jooga Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh, Xubno ka socda Golaha wasiirada, Xildhibaano, QM, IGAD, Maamulka Galmudug, Ahlusunna iyo Odayaal Dhaqameed ka soojeeda Gobolada Dhexe.

Ujeedka Shirkaan ayaa ah in la Saxiixo Nidaamka loo marayo dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Shirka ka maqan Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah Maamulada ka jira Gobolada dhexe, inkastoo Wararku ay sheegayaan in lagu Casuumay oo ay soo socdaan.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sh Axmed ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Federaalka ay wado Qorshe Maamul loogu dhisayo Dadka Gobolada Dhexe Daga, inkastoo ay ka soo horjeesteen hadlkaasi Maamulada Gobolada Dhexe.

Waxii kasoo kordha kala soco Shabakada Warbaahinta Idale News Online( INO).

Idale News Online – Xafiiska Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Baydhabo Janaay.