Mudane Madaxweyne Anigu Wali waan Noolahay.

0
244

La Heystihii u dhashay dalka Faransiiska ee mudooyinkii dambe lagu heeystay gudaha dalka Soomaaliya ayaa Madaxweyna Cusub ee Dalka Faransiiska Mr. Francois Hollande, ka codsaday inuu wadahadalo ku aadan sii deyntiisa la furo kooxaha asaga Afduubka u heysta.

“Mudane Madaxweyne, Anigu wali waan noolahay, balse ilaa muddo intee la eg ayaan sii noolaan doonaa?”, Denis Allex ayaa sidaasi ku yiri Video laga soo duubay oo ay soo  barta internetka soo dhigeen Kooxda Al Shabaab oo muwaadinkan faransiiska ah afduub ahaan u heysteen in ka badan sedex sano.

“Taasi adiga ayey kugu xirantahay,” Sidoo kale asagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri ” Hadii aadan adiga gaarin heshiis ku aadan sii deeynteyda, waxaan aad uga baqayaa in tani ay ahaan doonto fariintii ugu dambeeysay ee aad iga hesho. Nolosheyda adiga ayey kugu xirantahay.”

Filimkan lagu soo duubay Denis Allex oo soconayey muddo afar daqiiqo ah ayaa waxa uu muujinayey muuqaal caato ah balse caafimaad qaba oo ah Mr. Denis oo fariintiisa luuqadda Faransiiska ah ku dudbinaya. Filimkan oo ay sii deeysa Koox si qaas ah u shaqeeysa ee fadhigeedu yahay dalka mareykanka ee qaabilsan dabagalka Website-yada ay isticmaalaan kooxaha xagjirka ah.

Denis Allex oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mudane Madaxweyne waxaan jeclahay inaan ka faa’iideysto fursadaha isbadalka siyaasadeed ee dalka gaar ahaan madaxda qeybta arimaha dibaddd in ay dib u cusbooneysiiyaan codsigeyga caawinta ah.”

“Waqtigan adiga ayaan arinteyda kuu soo jeedinayaa, anigoo rajeynaya wax ka qabashada kiiskeyga in ay wax badan ka duwanaan doontoo midii madaxweynihii hore ee Sarkozy iyo xukuumadiisa”. Asagoona sidoo kale cambaareeyay xarigii iyo cadaadiskii joogtada ahaa ee ka dhanka ahaa Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska oo ay ku kici jirtay dowladii hore ee Madaxweyne Sarkozy.

Saraakiisha dalka faransiiska ayaa sheegay in Mr. Allex iyo saaxiibkiisa ay muddo sedex sano ka hor u tageen magaalada Muqdisho in ay talooyin iyo tababaro militeri siiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya, balse labadoodiiba laga afduubtay Hotel ay ku sugnaayeen ayadoo Allex saaxiibkiisa uu markii dambe si lama filaan ah uga baxsaday gacanta kooxihii afduubka u heystay.