Dowlada Somalia iyo Kooxaha la wareegey Kismaayo oo midba goonidiisa u doonaaya maamul loo sameeyo Jubooyinka

0
209

Markii kooxaha gacan saarka la leh ciidanka Kenya ee hoos taga daladda AMISON balse aan si toos ah uga amar qaadan la wareegeen gacan ku haynta magaalo xeebeedka gobalka J/hoose ee Kismaayo, ayaa waxaa isa soo taraayo khilaaf ka dhex jira cida leh awooda maamul u sameynta gobolada jubooyinka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay sida uu u arko xaaladda Kismaayo iyo la wareegista ay la wareegeen ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Kenya iyo cidda ku haboon ee maamul u sameyn karta ayaa waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladdiisu ay maamul rayid ah u sameynayo magaaladaasi, isagoo sheegay in cid kale aysan xaq u laheyn inay Kismaayo maamul u sameyso, isla markaasna aysan ka ogolaan doonin arrin noocaasi oo kale ah.

Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa  u muuqda mid aan miisaan sidaas u weyn ugu fadhin dhanka ciidamada hadda Kismaayo la wareegey, marka la eego ajandaha Kenya iyo kooxaha gacansaarka leeyihiin ku gaareen sanad ka hor maamul u sameynta gobaladaas, kaasoo ka horeeyey dhismaha dowladda cusub ee federaalka Somalia ee hadda la unkey. waxaase intaas sii dheer urur goboleedka IGAD  oo  isaga ku taageersan dowlada Kenya si deg deg ah maamul loogu sameeyo goboladaas.

Kulan deg deg ah oo ka dhacey gudaha dalka Kenya 2-3dii bishaan October oo ay IGAD soo qabanqaabisey, kaasoo ay joob joog ka ahaayeen xubno matalaayey beelaha dega jubooyinka ayaa lagu sheegey in la isku afgartey maamul loo sameeyo jubooyinkaas kuwaasoo ay ka wada raali yihiin dhamaan dadkii deegaanka ee shirkaas ka soo qeyb galey. Dhanka kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo xubno ka socda dowlada KMG oo diidan shirkaas waxayna sheegeen in lagu deg degay in shir aan loo dhameyn la qabto, dowlada Somalia looga dambeeyo maamul u sameynta gobalada dalka.

Lama oga khilaafkaan cusub halka uu caga dhigan doono waxaase uu u muuqdaa xaalkii bariga dhexe oo kale, hase ahaatee  la arki doone halka ay xaalada gobaladaasi ku dambeeyaan cishooyinka nagu soo aadan iy sida ay 2da dhica isula meel dhigaan maamul laga wada raali yahay oo dowlada federaalka iyo ciidamada gacan saarka la leh Kenya ee qabsadey Kismaayo isla ogolaadaan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy  idalenews@yahoo.com