Waxaa saaka degan xaalada magaalada Kismaayo iyadoo saacadihii u dambeeyay lagu soo waramayo in magaalada ay ka dhaceen dilal kuwaasoo loogu geystay xaafadaha magaalada Kismaayo ilaa shan ruux oo rayid ah kuwaasi oo ay kamid ahaayeen saddex nabadoono caan ah oo magaalada si weyn looga yaqaano.
Sidoo kale wararka kala duwan ee laga helayo magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in saqdii dhexe ee xalay ilaa salaadii subax ee Waaberigii saak guud ahaan magaalada si weyn looga maqlayey guuxa iyo daryanka madaafiic iyo weliba duqeymo xoogan kuwaa oo lagu bartilmaameedsanayey xaafado kamid ah magaalada Kismaayo iyo weliba deegaano kale ee ku xeeran magaalada hareeraheeda balse wali lama xaqiijin wax qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ay duqeymahaasi geysteen.
Sidoo kale magaalada Kismaayo ayaa habeenimadii xalay aheyd si iskeed ah u gashay xaalad bandow ah oo aysan jirin cid ama maamul ku oso rogay iyadoo sidoo kale wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in gabi ahaan magaaladu gashay jawi ka duwanaa habeenadii hore ayadoo cabsi xoogan oo soo wajahday dadka ku dhaqan magaalada aawgeed ku qasabtay in dadka guryahooda ku xaroodaan ayagoo markaasi wal wal iyo cabsi xoogan ka qaba in dagaalo hor leh ay magaalada ka dhacaan isla markaana ay waxyaalo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee magaalada ku dhaqan.
Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo habeen hore faarujiyay magaalada xeebeedka Kismaayo kadib dagaal xoogan oo faraha looga gubtay ayaa sheegay in magaalada ay uga baxeen xeelad dagaal isla markaana waxa ay ku hanjabeen in ay dagaalo kaga soo qaadayaan daafaha magaalada si ay waxyeelo ugu geeysteen ama ay u wiiqaan awooda ciidamada huwanta ah ee duulaanka xoogan ku soo qaaday magaalada Kismaayo, si ay meesha uga saaraan Maamulka Xarakada Al Shabaab oo muddo shan sano ah maamulayey magaaladaasi istaraatiijiga ah.
Saraakiisha ugu sareysa ee horkacaya ciidamada huwanta ah ayaa sheegaya in ciidamadooda aanay magaalada wali gelin, balse qorshahooda yahay sidii qaab milateri oo xeeladeysan isla markaana laga baaraan degay ay u geli lahaayeen magaalada Kismaayo oo ah fariisinkii u dambeeyay ay ku sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.
Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy