wasiirka Gaadiid&Duulista iyo xubno la socda oo Magaalada Baydhabo Janaay Gaarey.

0
198

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda Soomaaliya Siciid Jaamaca Qoorsheel iyo Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradaasi ayaa goordhaweyd waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay. 
Ujeedada ay u tageen Magaalada Baydhabo xubnahaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay qiimeyn iy indha-indheyn ay ku sameynayaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu wado in Dowladda ay dayactirto.

Sidoo kale Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliya Injineerka dhisi lahaa Garoonka Magaalada Baydhabo.

Markii uu Garoonka kasoo dagay ayaa waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Baay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo hada uu Garoonka ka socdo kulan Wasiirka uu la leeyahay maamulka Gobalka.

Qorshaha ku aadan dib udhiska Garoomada Gobalada dalka Soomaaliya ayeey wadaa Xukuumadda Soomaaliya si nidaam iyo bilic loogu helo Garoomadaasi oo qaarkood bur-bur xoogan ay ka muuqdaan.

wawiir

Idale News Online.