Madaxda dalalka Africa iyo ergo ka kala socota dhawr wadan oo caalamka ah ayaa ku qul qulaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaasi oo uu maanta ka furmayo shir madaxeedka wadamada Africa iyo ee Tana la yiraahdo.
R/wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo madaxda kulankaan ka qeyb galaysa soo dhaweynayay ayaa sheegay in kulankaan si gaar ah diirada loogu saarayo amaanka iyo xasiloonida qaaradda Africa gaar ahaan wadamada dhaca geeska Africa.
Ergo ka soco beesha caalamka iyo hay’addo aan dawli aheyn ayaa ka qeyb gali doona kulankaan waxaana ay ka hadli doonaan caqabadaha dhanka amaanka ee qaardda ka jira.
M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud ayaa ka qeyb gali doona kulankaan Addis-Ababa ka dhacaya sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Ethiopia.
Idale News Online.