Al Shbaaab oo dib u qabsaday Deegaanka Daynuunaay Ee Gobolka Bay.

0
193

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah waxaa Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay isaga baxay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda halka ay dib u qabsadeen dagaalamayaasha Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Sooamaliya ayaa sheegay in saanad la’aan soo wajahday Ciidamada ay halkaasi u soo baneeyeen.

Guud ahaan deegaanka ayaa lagu arkayaa Ciidamo aad u fara badan oo kuwa Al Shabaab ka tirsan oo halkaasi dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka sameynaya.

Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay ayaa dadka deegaankaasi ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan dagaalkooda ku wajahan Ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee AMISOM.

Alshabab

Idale News Online, Daynuunaay.