Dhageyso: Xildhibaan Aadan Dhaayow oo Ugu Baaqay Baarlamaanka In uu La Xisaabtamo Hey’addaha Amniga.

0
188

Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta kaga hadlay dil qorshaysan oo shalay Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali Riino.

Hey’adaha Amniga ayuu sheegay iyagoo dadaalo dhanka amniga ay wadaan hadana Muqdisho ay ka dhacayaan falal ka dhan ah amaanka.

“Baarlamanku waa inuu la xisaabtamaa hey’adaha Amniga si wax looga qabto falalka amni xumada Muqdisho ka jirta”ayuu yiri Dhaayow.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax Miino oo shalay lagu dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino.:

Halkan Ka Dhageyso

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=56849|autostart=yes]

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Idale News Online, Muqdisho.