Sicir barar ka taagan Degmadda Qansaxdheere Ee Gobolka Bay.

0
229

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay ayaa sheegay in degmada ay ka taagan tahay sicir barar xoogan kaddib markii Shabaab ay magaalada go’doomisay.

Aadan Cabdi Qooqane, guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ayaa warbaahinta u sheegay in qiimo koror dhanka raashiinka laga dareemayo degmadaasi.

Wuxuu sababta qiimaha raashiinka uu u kordhay ku micneeyay kadib markii Al-shabaab ay cunuqabeteyn dhanka gaadiidkii geli jiray degmadaasi ay kusoo rogeen.

Qiimaha Bariiska, Burka, iyo raashiinka kale ee ay dadweynaha adeegsadaan ayuu sheegay in dhaqaale badan oo ku darsamay, maadaama wax gaadiid ah aysan soo gelin degmadaasi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dhawaan arimahaasi ay wax ka qaban doonaan maamulkooda, sida uu sheegayna wuxuu ka dalbaday Dowlada Muqdisho iyo dadka Soomaaliyeed inay gargaaraan dadka ku dhaqan Qansax Dheere.

Ciidamada Gobolka Baay oo kaashanaya AMISOM ayaa dhawaan waxay degmada Qansax dheere kale wareegeen Xarakada Al-Shabaab.

Qansaxdheere

 Idale News Online, Qansaxdheere.