Warbixin: Maxaa loogaga Hadlay kulankii Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya?

0
208

Kulankani oo uu gudoominayay Maxadweynaha K/Galbeed Soomaaliya Mudane Madoowe
Nuunow Maxamed ,koramka Golaha Wasiirada oo dhamaa ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen amniga, warbixino laga wada dhegeystey dhamaan wasiirada iyo howlihii wasiir kasta hor yaalay iyo waxa uu ka qabtey .

Waxaa kaloo lasoo bandhigey Dareyska (dharka ) ciidamada K/Galbeed Soomaaliya ay qaadan lahaayeen iyo magaca ay yeelanayaan,ciidankani oo ah ciidamada booliska Sida Milatariga u tababaran waxaa la isku raacay 24saac gudahooda in la shaacin doono.

Sidoo kale waxaa howshiisa iyo sida xawliga ah ku socoto lagu amaaney wasiiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska K/G Soomaaliya Mudane Maxamuud Cali Shire isagoo dhamaan wixii amaan ah Gudiga fulinta u sheegey in ay leeyihiin Taageerayaasha K/G Soomaaliya gaar ahaan Reer Baydhabo oo aanan u kala harin Barnaamijka ISKU TASHO waxaa kaloo uu sheegey wasiirka in wajigii kowaad uu dhamaadey maalinta Taladadana wajigii labaad ee dhismaha Madaxtooyo uu si toos ah u bilaaban doono ,waxaa kaloo uu sheegey wasiirka in Shacabka xoogooda keliya aanay baxsan waxaa jira Balanqaadyo ay kamid yihiin qalabka dhismaha iyo wadaniyiin baabuurtooda ugu deeqay dhismaha .

Waxaa kaloo warbixin dheer Golaha wasiirada hortooda kasoo jeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga K/Galbeed Soomaaliya Mudane C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey,wasiirka waxaa uu sheegay in kulamo dhinaca amniga ah oo uu la yeeshay saraakiisha Xooga Dalka ,Amisom iyo Booliska G/Baay
.
Sidoo kale Mudane Geesey waxaa kaloo uu sheegey in 24saac ee lasoo dhaafay ay jireen Ciidamo soo baneeyay boosaskii lagu ogaa hadana lagu guuleystay in boosaskoodii lagu celiyo goobo hor lehna la dejiyo.

Iskusoo wadaduub DOWLADA KOOFUR GALBEED SOMALIA IYO SHACABKEEDA WAXAA KA GO’AN INEY ISKU TASHADAAN.

wasiiradda KGS

Idale News Online, Baydhaba Janaay.