Abuu Muscab oo sheegay in ay go’doomin doonaan Magaalada Baydhabo, si ay ugala wareegaan Dowladda.

0
219

Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ay hareerayn doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, si ay ugala wareegaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu si diiran u soo dhoweeyay qorshaha ay dib ugu qabsadeen deegaanka Deynuunaay, oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in Deynuunaay ay tahay deegaan istiraatiiji ah, kuna dhow Magaalada Baydhabo, isla-markaana ay u sahli doonto in ay culeys saaraan Magaaladaasi Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay Magaalada Baydhabo in ay ku sugan yihiin cadow ku soo duulay, ayna kaga saari doonaan si la mid ah, sidii ay kaga saarayn Ciidamadii Uganda, ee horey u joogay Magaaladaasi.

Abuu Muscab wuxuu rajo wanaagsan ka muujinayaa in ay soo gaba gabeeyaan Maamulka Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ee ka jiray Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.

Abuu Muscab oo la hadlaayay Radio Alfurqaan, ayaa mahadcelin wuxuu u jeediyay dagaal-yahanada Al Shabaab, ee fulinaaya hawlgalada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Baydhabo

Idale News Online, Baydhabo.