Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Casuumaad Rasmi Ah Ka Heshay Dowladaha Khaliijka Carabta.

0
226

Wararka ka imaanaya magaalda Baydhabo xarunta dowlad goboleedka Koofur Galbeed Somaaliya ayaa sheegaya in shacab weynaha Koofur galbeed ay ka qeyb qaadanayaan dib udhiska Madaxtooyada Dowlada koofur Galbeed si ay isku filnaasho u gaaraan ugana maar maan inay gacam u hoorsadaan dowladaha shisheeye.
Madaxda Goofur Galbeed iyo Shacabkooda ayaa waxaa ka muuqda in kalsooni buuxda ay isku qabaan, shacabka ayaa ka go’an in ay meel mariyaan rabitaan kooda una huraan naftooda ilaa ay dowlada Koofur Galbeed ay cagaheeda ku istaagto.
Mar  wax laga weydiinayay masuul ka howl gala madaxtooyada Koofur galbeed wax yaabihii u qabsoomay Dowlada Koofur galbeed inta maalin ay jirsatay iyo cidii xiriir lasoo sameysay ayaa inoo sheegay in Dowlada koofur galbeed in ay ka heshay casuumaad rasmi ah dowladaha Khaliijka waxaana casuumaadaasi ka timid dowladaha Khaliijka umatali doona Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya wasiirka Cadaalada Dr Maxamed Cali Xaamud wuxuuna usocdaali doono maalmaha soo socda qorshaha socdaalka ayaa ah balan qaad ay dowladahaasi ay usameyeen Dowlada Koofur galbeed sida ay uga dhabeyn lahaayeen.
Kala soco shabakada arlaadii.net socdaalka Wasiirka Koofur Galbeed iyo wixii ugu soo qabsooma dowladaha khaliijka Carabta.

Nuunow

Idale News Online, Baydhaba Janaay.