Muqdisho: Ugu yaraan 11 xubnood oo ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Arbacadii shalay ahayd lagu xiray Xabsi ku dhex yaala Garoonka.Xariga Shaqaalahaan loo geystay, ayaa waxay ka dambeysay markii la waayay basaboor uu lahaa mid ka mid ah La taliye-yaasha Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo British ahaa, xilli ay ku sii jeedeen Magaalada Geneva.
Basaboorka, ayaa muddo saacado ah laga dhex raadinaayay Garoonka, walow mar laga quusan gaaray laga dhex helay goob qashinka lagu daadiyo oo ku taala Garoonka.
Ilaa iyo hadda waxaa lagu jahwareersan yahay cidda ka dambeysay in basaboorkaasi lagu dhex tuuro goobta qashinka, waana taa midda keentay in xabsiga loo taxaabo dadka la tuhunsan yahay.
Wararka qaar waxay sheegayaan in dadka la xir xiray ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Shirkadda FAVORI, oo si buuxdo u maamusho Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Warar kalana waxay sheegayaan in Shaqaalaha la xiray ay ka tirsan yihiin Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, inkastoo aysan jirin cid weli si rasmi ah u kala cadeysay.
Idale News Online, Muqdisho.