Xukumadda oo Wasiirro u direysa Degmooyinka la Xoreeyey.

0
225

Xukumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Gudi Heer wasiirro ah ay u direyso Gobolada Maleeshiyaadka Al-shabaab laga Xoreeyey.Teaser Image Xukumadda oo Wasiirro u direysa Degmooyinka la Xoreeyey

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Bare oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay go’aan ku gaareen in Gudi heer Wasiirro ah ay u dirayaan Degmooyinkii Al-shabaab laga saaray, si gudigaas ay ugu kuur galaan Xaalada nololeed ee halkaas ka jirta.

C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in Xubnaha tagaya Degmooyinka Shabaab laga qabsaday ay u badan yihiin Wasiirro kuxigeen, kuwaas oo dhawaan gaari doona halkaas.

Dhanka kale Golaha Wasiirda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Gergaar Deg-deg ay Dowladda Soomaaliya ay geendoonto Goobaha Maleeshiyada Al-shabaab laga Xoreeyey ee Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirta in Dadka ku nool Gobolada Bakool iyo Gedo ay xiligaan heysato Xaalad Nololeed oo aad u liidatah.

Idale News OnLINE