Jeneral Mungaab, Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir & ahna Mayor_ka Muqdisho waxuu dhashey 1973 Waxa uuna darajada ciidanka ka bilaabey Gaashaanle Sare

0
254

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirada Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo lagu maacaabay digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha iyo taariikh nololeedkiisa.

Habada haddii aan soo koobno taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u qorantahay sida tan:-

Tariikh Nololeedka Oo Kooban

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972 wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca Waxbarshada

Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Wuxa uu Hadda Diyaarinayaa Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.

Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.

Dhinaca Khibradaha Shaqo

2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan.

2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.

2008 – 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee Suudaan.

02/03/2010 ilaa 15/08/2010 Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida..

16/08/2010 ilaa 16/08/2012 Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.

17/08/2012 ilaa 25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maanta oo ay Taarkiikhdu tahay 27 bisha Febraayo ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

 2   5 6
Xigasho:Radio Muqdisho

Xigasho: Isha Warka Radio Muqdisho