Shuruudaha Tartanka Madaxtinimada Puntland oo la soo bandhigay

0
221

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay habraaca iyo Shuruudaha Musharixiinta u taagan jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Guddiga ayaa ka kooban shan xubnood,waxaana Guddoomiye u ah Saadiq Abshir Garaad.

Hawlaha Guddiga.

1-Habsami u socodsiinta Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

2-Qabashada Documentiga  Musharixiinta.

3-Illaalinta khidmada laga qaadayo Musharixiinta

4-Illaalinta Sanduuqyada Doorshada iyo Warqada codbixinta.

5-Tirinta codadka Doorashada.

6-U gudbinta natiijada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka si uu ugu dhawaaqo natiijada Doorashada.

7-u gudbinta saddex nuqul oo ka mid ah natiijada Doorashada Madxtooyada,Golaha Wakiilada iyo Maxkamada sare.

Shuruudaha.

1-In qofka tartamaya uu yahay Muwaadin reer Puntland ah,Muslima oo ku dhaqma Diinta Islaamka,dadiisuna aysan ka yarayn 40-ano.

2-Inuusan qabin Xaas Ajnabi ah,uusana guursan karin intuu hayo xilka.

3-Inuusan horay u galin khayaamo Qaran,uusan ku xadgudbin Xuquuqda Aadanaha.

4-Musharixiintu waxay ka iman karaan Golaha Wakiilada iyo dadweynata.

A-Haddii Musharuxu uu ka yimaado Golaha Wakiilada wuxuu banaynayaa Xubinimaa Golaha Wakiilada,waxaana badalkisia lagu soo xulayaa habkii uu ku yimi.

5-Musharax waliba waa inuu soo gudbiyaa CV-giisa Musharaxnimo laga bilaabo shanta bisha malinta Axada,muddo hal maalin ah ayuu qofku kuso gudbin karaa.

6-Musharaxa Madaxweynaha tartamaya waxa lagu diiwaan galinayaa lacag dhan 10,000 oo Doolar.

7-Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka waxa laga qaadayaa 5,000 oo Doolar.

8-Msharax walba waxa laga saxiixayaa Documenta ay diyaariyeen Guddiga Doorashada oo qeexaya in Musharax kasta uu ku qancayo natiijada Doorashada.

A-Musharixii aan saxiixin Warqadaa waxa loo aqoon sanayaa inuu ka haray tartamanka Madaxnimada.

9-Waxa reeban in Musharaxa isu soo sharxa Madaxweyne uu isu sharxi karo Madaxweyne ku xigeen.

10-Doorashadu waxay dhacaysaa 8.1.2014,waxayna bilaabaynaysaa 8-deeda subaxnimo.

11-Musharixiintu waxay khudbadahooda ay jeedin doonaan malinta Talaadada ah,waxaa na Musharax kasta uu haysaa 15-daqiiqo.

1-Codaynta iyo habku kama duwanaan doonto habkii Doorshada Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisu ay shalay u dhacday.

madaxtooyada Puntland

Idale News Online, Puntland