Khilaaf In muddo ah Madaxda Sare qarinayeen oo si rasmi ah u soo shaac baxey ka dib markii Cali Khaleyr dibada keenay

0
207

Waxaa tan iyo bishii May ee sanadkaan jiray khilaaf hoose oo u dhaxeeyay madaxda sare ee dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamaanka oo dhinac ah iyo Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale ah. Khilaafka ayaa inta badan salka ku haayey waxqabadka xukuumada  ooo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari aad u dhaliilsanaayeen, hase ahaatee marar badan  ay madaxdu isku dayeen in ay si hoose u xaliyaan isla markaasna aysan dibada u soo bixin.

Dooda hoose iyo kulamo joogto ah  oo madaxda sare ay yeelanaayeen mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa wax heshiis ah aysan laga gaarin gaar ahaan madaxweynaha oo doonaayey in Ra’iisul wasaaraha ku qanciyo inuu xilka wasiirka 1aad iskaga tago, ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya waxuu go’aansadey inuu codsi  rasmi ah u gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaasoo ku aadanaa inuu iscasilo si sharaf leh. Ra’iisul Wasaaraha Saacid ayay ku qaadatey muddo  inuu jawaab ku celiyo Madaxweynaha, waxuuna durbadiiba bilaabey la tashiyo uu la yeelanaayey xildhibaanada isaga taageersan iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxayna isla qaateen in uusan ogolaan codsiga Madaxweynaha ee ahaa inuu xilka ka tagin.

Ka dib, xildhibaano uu ka mid yahay Cali Khaliif Khaleyr iyo xubno kale oo diidan siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuudayaa bilaabey iney saxaafada u soo bandhigaan khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo khilaafka Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha uga sii darey, maadaama midkoodna uusan jeclaysan inuu saxaafada geeyo wararka khilaafkooda si hoosana arrinta iscasilaadu ku dhamaato.

Arrimaha Khilaafka iyo kala aragti duwanaanshaha xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Madaxweynaha waxaa ugu horeeyay isku shaandheynta golaha wasiirada,  dhaqaalaha dibada uga yimaada dowlada iyo sida ammaanka dalka loo sugayo.

Xildhinaan Cali Khaliif oo la hadlaayey BBC laanteeda Afka Soomaaliya ayaa isaga sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu diidey codsiga Madaxweynaha ee ah inuu is casilo,

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Dr-Cali-Khaliif-Galayr.mp3]

Mar uu ka hadlayey halka uu salka ku hayo khilaafkan iyo inuu mid ka mid ahlabada Mas’uul midkoodna uu xaqiiqada kasoo ogaaday ayuu sheegay inuu Ra’iiul wasaare Saacid Farax xalay wada kulmeen oo uu u sheegay in laga dalbaday un inuu is-caliso islamarkaana laga diiday golihii wasiirada ee uu isku shaandheynta ku sameeyey.

” Aniga xaqiiqada hoos u sii jirta ma ogi waxa kaliya ee aan ku sheegayaa hadalka uu Ra’iisul Wasaare Saacid Farax xalay mar aan la kulanay inoo sheegay kaasi oo ah inuu madaxweynaha liiska wasiirada u gudbiyey kadibna lagu yiri: Halkaas inaga dhig liiskan ee aanu ka wadahadalno in aad is-casisho, adiga oo waliba qadarinaya kalsoonidii aan Ra’iisul wasaaraha kaaga dhigay.”Ayuu yiri Ali sheegay inuu ku yiri Saacid. Waxaana u dabadhigay jawaabta uu markaasi Ra’iisul wasaaraha siiyey madaxweynaha  oo ah.

” Ma is-casilayo waxaana sii wadanayaa shaqadeyda, sababtoo ah madaxweynaha  kama hayo wax gaar ah oo uu ku dalbanayo in aan isku casilo oo aan maanta ummada u sheegi karo” ayuu yiri Saacid u sheegay rag uu ku jiro Cali khaliif Galeyr xalay.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof, Ali Khaliif Galeyr ayaa usoo jeediyey labada dhinac inay dib uga shaqeeyaan kalsoonidii ay kuwada howlgeli jireen, maadaama buu yiri ay adeg tahay in waqti hadda la geliyo xukuumad kale oo la soo dhiso.

saacidvsHassan

Idale News Online