Maraynkanka Iyo dalal kalle oo reer Galbeed ah ayaa ka fiirsanaya in weerar Militari lagu qaado Dalka Suuriya kaddib markii ay soo shaac baxday in Maamulka Madaxwayne Bishaar Al-Asad uu u isticmaalay Kimikaal inuu dad ku dillo.
Sida ay xaqiijisay Hay,adda MSF oo ka howl-gasha Dalka Suuriya waxay sheegtay in dad gaadhaya boqolaalan ay u dhinteen Suntaas balse ma xaqiijin in suntaas tahay mid si badheedh ah loo adeegsaday ama ahayd sun nool.
Qaramada Midoobay ayaa u soo dirtay baadhayaal caalami ah kuwaas xaqiijiya in hubkaas suntan ah loo isticmaalay dad shacab ah, illaa iyo haddana xog rismi ah kama soo bixin.
Mid ka mid ah baadhayaasha ayaa u sheegay TV laga leeyahay Dalka Switzerland in mucaaradka Suuriya laftoodu isticmaaleen suntan loo yaqaan “ Sarin Nerve Gas”
Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa isagu carabka ku dhuftay in ay tahay lagama maarmaan in Suuriya laga qaado tallaabo Militari.
Raysul Wasaaraha Britain, David Cameroon ayaa isagu sheegay in tallaabo ciidan oo lagu qaado Suuriya ay tahay mid looga hortagayo isticmaalka suntan.
Dalalka Reer Galbeedka ayaa carabka ku adkaynaya in weerar Militrai lagu qaado Suuriya midaas oo qaar ka mid ah Madaxda Dalalkaasi ay ka diggayaan.
Tony Blair, Ray’sul Wasaarihii horre ee Dalka Britain ayaa ka diggay weerar lagu qaado dalkaas isagoo sabab ooga dhigay natiijadda ka dhan karta.
Muuqaalka geerida Suuriya mahan mid aan meel banana ah ka istaagi karno ayuu yiri isagoo la hadlaya Teleefishinka Sky News ee laga leeyahay Dalka Britain.
Ciidamada Militariga Britain ayaa shaxda kaartada ciidan ee lagu galayo suuriya ayaa dejinaya, ayuu Sky News raaciyay haddalka.
Dalalka China Iy Raashka ayaa diidan weerar balse sheegay in arrintan ka gaabsanayaan.
Dalka Suuriya gabi-ahaanba wuu dafiray inuu isticmaalay, Hubka Kimikalka ah.
Dalalka Islaamka Iyo Israel
Dalka Turkey oo si weyn ooga soo horjeeda Bishaar Al-Asad waxaana Wasiirka arrimada dibada ee Dalkaas u sheegay waragayska” Milliyet newspaperi” in dalkiisu diyaar u yahay isbahaysiga weerari doonaan dalkaas.
Masar ayaa diiday weerar Militari oo lagu qaado Dalkaas.
Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya ayaa la aaminsan yahay inay noqon doonto dalalka oogu horreeya ee taageeri doonaan weerar lagu qaado Suuriya maadaamo muddo sannado ah uu khilaaf ka dhaxeeyay Suuriya isla markaasna hadda Mucaaradka Suuriya taageeraysay.
Dalka Israel ayaa isaggu iska fogaynayay ku lug-lahaanshaha colaada Suuriya in kastoo dhowr mar uu duqeeyn ka gaystay gudaha Dalkaas, waxayna sheegeen inay ku bartilmaameed sanayeen Kooxaha Shiicada Xisbulaah.
Lubnaan, dalka Lubnaan ayaa isaggu sheegay inuu ka soo horjeedo dagaal ama duqeyn Suuriya lagu qaado, waxaana mida sida dhabta ah loo filayay sababtoo ah, Lubnaan waxay taageero siinaysay Maamulka Bishaar Al-Asad,
Dalka Iran ayaa isna ah dalka oogu muhiimsan ee Taageera Bishaar Al-Asad maadaamo uu labbada dhan ka dhaxayso madhabta Shiicada isla markaasna aaminsan in Syria noqoto meel shiicadu ka taliso.
Weerarka Suuriya.
Weerarka Suuriya ayaa sahmeeyay qiimaha Shidaalka waxaana la sheegay in shidaalku kor u kacay isla markaasna la aaminsan yahay innuu sarre u sii kici doono.
Xaalada Bini,aadanimo.
Xaalada Bini, aadanimo oo ahayd mid aad u adag isla markaasna illaa kuwaad 2 Malyan oo qaxooti Suuriyaan ah soo qaxeen ayaa la filayaa inay sii kordhi doonto haddii weerar lagu qaado Suuriya, waxaana Dalalka, Turkey, Ciraaq, Jordan Iyo, Masar ku nool qaxooti baddan oo Suuriyaan ah
Mustaqbalka Suuriya!
Mustaqbalka Suuriya ayaa ah mid laga muujiyay xaalad mugdi ah iyo in Dalka Suuriya uu dagaal sokeeyo oo sannado qaata ka dhaci doono, dagaalkaas oo ah mid ku salaysan nidaamka diiniga ah, Sunniyiinta Iyo Shiicada