Dowlada Nigeria oo sheegtay inuu dhintay hogaamiyihii Kooxda Boko Haram

0
224

Dowlada Nigeria ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay rumeysan tahay inuu dhintay hogaamiyaha kooxda mayilka adag ee Boko Xaraam Abubakar Shekawu ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaal dhexmaray ciidamada Nigeria iyo kooxda Boko Xaram 30kii bishii June, isla markaana dhaawaciisa loo qaaday dalkaasi Cameroon.

“…Waxaan filaynaa inuu dhaawaciisa u dhintay intii u dhaxeysay 25 July illaa 3dii Agoosto…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowlada Nigeriya oo sheegay in hogaamiyaasi uu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay dhulka duurka ah ee Sambisa oo ku yaal Waqooyiga dalka Nigeria.
bokoHaram
Hase yeeshee weli ma jiraan wax cadeynmo ah oo xaqiijinaya geerida hogaamiyaha Boko Xaram oo hada kahor marar badan la sheegay in la dilay balse ay gadaal ka beenowday.

Ciidamada Nigeria ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay waday duulaano xoogleh oo ay kula dagaalamayaan kooxda Boko Xaram oo u dagaalanta in Shariicada Islaamka lagu soo rogo dalkaasi Nigeria.

Hogaamiyaha Boko Xaram ayaa kamid ah ragga ay sida weyn u baadi goobaan sirdoonka Maraykanka, wuxuun Maraykanka horey u balan qaaday lacag dhan $7 Milyan qofkii soo sheega ama ka qeyb qaata qabashada hogaamiyahaasi

Idale News Online