Baaqo iyo Talo soo jeedin ka soo baxay Shir Jaaliyada Digil & Mirifle ku Yeesheen dalka Ingiriiska+ Sawiro

0
252

SHIR SANADEEDKII JAALIYADA DIGIL & MIRIFLE  EE DALKA INGIRIISKA

UJEEDDO: BAAQ IYO TALO SOO JEEDIN

Maalintii ay taariikhu aheyd 17/8/2013 waxaa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ka dhacay shir  sanad-sanadeedkii howlwadeenada iyo qeybaha kala gedisan ee Jaaliyada Digil & Mirifle ee wadanka Ingiriiska, kulankaas oo ugu horeyntii lagu soo bandhigay wax-qabadkii Jaaliyada muddadii ay jirtay, ka dibna waxaa si qoto dheer looga doodey xaaladaha guud ee dalka ee dhinacyada Siyaasada, Nabadgelyada, Horumarinta & Adeegga Bulshadada, Dhaqaalaha, Geedi u socodka dib u heshiisiinta dalka, dhismaha Maamul U Sameynta Gobolada & Degmooyinka dalka, sidoo kalena waxay jaaliyada ka hadleen sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha jira loogana gaashaaman lahaa qataraha jira iyo kuwa imaan kara.

Ka dib markii shirku si qoto dheer u falanqeeyay dhamaan qodabadii la soo hordhigay waxay howlwadeenada iyo dhamaan ka qeybgalayaashii shirka soo jeediyeen baaq iyo talooyinkii ku aadan sida ugu haboon ee loo fulin karo qodobada laga wada hadley:

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibada: Jaaliyadda Digil iyo Mirifle waxay si taxadar leh u soo dhaweynaysaa horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dhinacyada siyaasada arrimaha dibada gaar ahaan  horumarinta xiriirka & iskaashiga caalamiga iyo kan gobolka geeska Afrika
  2. Siyaasadda Arrimaha Gudaha: Jaaliyada waxay il gaar ah ku eegaysaa qaabka shaqo ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dhinacyada nabadgelyada iyo dhismaha maamulada dalka, iyo in lagu shaqeeyo roadmap u degsan dhismaha maamulada gobolada iyadoo hoos laga bilaabaayo; min tuulo ilaa gobol. Sidoo kale, Jaaliyadu waxay taageereysaa meelmarinta golaha shacabka qaranka meelmariyey hindise sharciyeedka dhismaha degmooyinka iyo gobolada dalka Soomaaliya iyo in dowladu dib u saxdo dhamaan degmooyinkii la magacaabay tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia 1991 si loo waafajiyo hindise sharciyeedkaan cusub
  3. Arrimaha Jubooyinka & Gedo: Jaaliyada Digil & Mirifle waxay sharci daro iyo maamul aan loo dhameyn ku tilmaantay dowlad goboleedka looga dhawaaqey magaalada Kismaayo, waxayna sidoo kale jaaliyadu taageertay go’aanka dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadatey gobolada Gedo iyo Jubooyinka. Sidaasi darteed waxay Jaaliyadu ku baqeen in talada iyo mustaqabka maamul loo sameeyo goboladaas ay ka go’do oo kaliya dadka wada dega deegaankaas lana tixgeliyo saamiga beelaha degan tuulooyinka iyo degmooyinka goboladaasi ka kooban yihiin, lagana waantoobo in koox ama shaqsiyaad gaar ah wakiil ka noqdo masiirka inta kale ee deegaankaas ku nool.  Jaaliyada waxay mar kale ku baaqeysaa in laga fogaado waxii keeni kara fowdo, sadbuursi, eex iyo cadaalad daro horseeda in dadka walaalaha ah ee deegaanadaas ku wada nool colaad la dhex dhigo.  Ugu dambeyntii Jaaliyadu waxay soo jeedinaysaa in la qabto shir weyne ka dhaca meel ka mid ah dalka gudahiisa kaasoo ay ka qeyb galayaan dhamaan dhinacyada ay quseyso dhismaha maamulada goboladaas si loo helo maamul cadaalad ku dhisan oo dadka deegaanka raali ka wada yihiin.
  4. Arrimaha Gobolka Shabeelaha Hoose:  Jaaliyada Digil & Mirifle waxay dowlada ku dhaliileen wax ka qabad la’aanta dhibaatooyinka joogtada ah ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo  cabashada ka soo yeeraysa dadka deegaan u dhashey oo muddo ka badan 22 sano la dul deganaa. Waxayna dowlada federaalka ugu baaqayaan iney talaabo cad ka qaado boobka, Jidgooyada & Isbaarooyinka sharci daradda ah iyo maleeshiyo beelaadyada aan xukuumadda ka tirsaneyn ee gobolkaas ka howlgala, laguna  bedelo ciidamad qaran oo ka soo jeeda kuwa deegaanka, dawladuna isku howsha in dadka deegaanka dhistaan maamul ku yimid rabitaankood balse aan dusha looga keenin. doorka dowladuna noqdaa fududeyn oo keliya.
  5. Nidaamka Awood Qeybsiga iyo Dhowrista Dastuurka Dalka: Si looga fogaado cadaalad daro baahsan oo horseeda kala shaki, sadbuursi iyo nin jecelysi  waxay jaaliyadu ku talineysaa in la dhowro nidaamka ku meel gaarka ah ee Awood Qeybsiga Saamiga beelaha Soomaaliyeed ku heshiiyeen taaoo lagu soo dhisey dowlada federaalka Soomaaliya inta laga helaayo nidaam ama formula kale oo ay dadku isku aamini karaan, looga fogaado dhaqankii ku dhisnaa sadbuursiga danaha siyaasadaeed xambaarsan ee xilalka sare ee dowlada, taasoo  qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed u arkaan cadaalad daro soo jireen ah oo la siyaasadeeyey.
  6. Doorka Oday dhaqameedyada : Waxay jaaliyada aad ugu mahadcelinaysaa doorkii odeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwaa  DM  ay ka soo qaateen  ansixintii dastuurka  kmg iyo xulistii xildhibaanada qaranka. Waxay dowlada ka codsanayaa in mudnaan la siiyo odayaasha dhaqanka soomaaliyaad si ay uga sii qeyb noqdaan barnaamijka nabadeynta beelaha, wacyi galinta bulshada, iyo weliba dhismaha maamulada iyo degmooyinka gobolada dalka guud ahaan.
  7. Arrrimaha Qaxootiga & Barakacaayasha “IDP”:  Waxay Jaaliyada si aad ah ugu dhaliishey wasaarada arrimaha Gudaha iyo guud ahaan siyaasada dowlada ee qaxootiga ku barakacey dalka gudahiisa gaar ahaan barakacayaasha magaalada Muqdisho oo lagu haayo kufsi, nolol-xumo iyo caafimaad daro oo ay u sii dheer tahay dhaca deeqaha loogu talo-galey qaxootigaasi.  Sidaas darteed, Jaaliyada Digil & Mirifle waxay dowlada ugu baaqeysaa in qaxootiga gudaha dib u celin iyo dejin  deg deg loo sameeyo iyadoo lala kaashanaayo beesha caalamka, Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNHCR iyo howlwadeeno khibrad u leh shaqadaas ee ka soo jeeda deegaanada dadkaasi ka soo barakaceen isla markaasna loo abuuro barnaamijyo waxbarasho, caafimaad iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan sida kuwa magaalada Muqdisho ka jira oo kale, si looga badbaadiyo barakacayaasi  iney dib dambe u soo barakacaan, loogana hortago qaxootiga Soomaaliyeed in ay noqdaan la hayste mashaariic iyo lacag joogta ah laga sameeyo.
  8. Kaalinta Xildhibaanada Digil & Mirifle: Si loo abuuro midnimo iyo wada shaqeyn joogto ah oo dhex martada wakiilada dadweynaha Digil & Mirifle ee golaha shacabka waxay jaaliyadu ku taliyaan:
    • In la helo xiriir toos ah iyo mid aan toos aheyn oo dhex mara jaaliyadaha kala duwan ee dibada, ururada bulshada iyo xildhibaanada beelaha DM
    • In Dulqaad iyo isu tanaasul xildhibaadaba muujiyaan si loo labolaabo shaqada loo ikmaday muddada kooban ee ay jirto dowlada, dalka iyo dadkuna doorasho xor loo gaarsiiyo
    • In dhaqanka iyo waxgaradka beelaha la siiyo fursad ay ku soo gudbin karaan shaqsiga ay u arkaan inuu ka shaqeynaayo danta guud ee dalka iyo tan deegaanka uu ka soo jeedo balse ay jiraan sharuudo ama criteria ay ku soo xulaan shaqsiga mudan xil qaran.
    • In xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle siiyaan fursad dhalinyarada firfircoon ee rag iyo dumarba leh ee  karti iyo aqoonta u leh iney ka qabtaan  xilalka sare ee dowlada, kuwa maamulka gobolada, degmooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha isla markaasna ka qeyb gali karaan howlaha arrimaha horumarinta bulshada, siyaasada iyo dhaqaalaha dalka maadaama la hubo in dhalinyaradu yihiin masiirka hogaankii  bari iyo kuwii   taariikhda dalkooda wax ka qori lahaa
    •  In gudoomiyaha barlamaanka Somalia iyo guud ahaan xildhibaanada Digil iyo Mirifle xil weyn iska saaraan ilaalinta dastuurka qaranka iyo xaqiijinta nidaamka kmg ah ee awood qeybsiga beelaha inta laga gaaraayo nidaamka axsaabta badan dalka  si dhinacyada caadeystey sadbuursiga iyo eexda damacooda siyaasadeed iyo danahooda beeleed meesha uga baxo.

Wa Bilaahi Towfiq

Gudoomiyaha Jaaliyada Digil & Mirifle ee United Kingdom
Xuseen Sheekh Cismaan Baraawi
Wa Bilaahi Towfiq

Gudoomiyaha Jaaliyada Digil & Mirifle ee United Kingdom
Xuseen Sheekh Cismaan Baraawi

bristol Bristol0 Bristol1 Bristol2 Bristol3 Bristol4 Bristol6 bristol7 bristol8