Dab qasaare haniyadeed geystay Xerada Qaxootiga ee Xagar Dheer

0
252

Wararka ka imaanaya Xerada qaxootiga ee Xagar dheer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dab qasaare hantiyadeed geystay uu xalay ka kacay xeradaas.

Dabkan ayaa baabi’iyay goobo ganacsi iyo dhismayaal badan, iyadoo qasaarahan hantiyadeed ee uu geystay dabka la sheegay inuu ahaa mid ballaaran.

Dabkan ayaa saameeyay suuq ku yaala Xerada Xagar Dheer, waxaana uu dhulka la simay goobo ganacsi oo gaaraya ilaa 15-goobood, Farmashiyeyaal, bakhaaro iyo goobo baabuurta la dhigto oo ay ku bur burtay baabuur badan.

xerada qaxootiga

Gawaarida dab damis oo ay leedahay UNHCR ayaa ka qeyb qaatay daminta damka sii baahayay, kaasoo soo gaaray ilaa saaka waabarigii.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka ayaa sugayay amaanka goobaha ganacsiga, si aanay u dhicin bililaqo ay geystaan kooxo burcad ah.

Ma ahan markii u horeysay oo dab qasaare hantiyadeed geysta uu ka kaco xeryaha qaxootiga ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore ay xerooyinka Dhadhaab, Xagardheer iyo dhagaxley ay sidan oo kale uga dhaceen dab qasaare geystay.

Idale News Muqdisho