Ergooyinka Shirka Maamul u Sameynta Jubbaland State oo ku soo qulqulaayo degmada Kismaayo

0
192

Magaalada Xarunta u ah Gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa si aad ah looga dareemayaa qulqulka ergooyinka shirka ka qeybgalaaya maamul la magac baxey Jubbaland State oo ka kooban labada Jubo iyo Gedo.


Madaxda maamulka kumeelgaarka ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee magaalada iyo halka ay marayaan arimihii maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.Taliyaha ciidamada Dowlada ee gobolada Jubooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa sheegay in saxaafadu ay ka been sheegto amniga magaalada Kismaayo lagana sheego waxaan jirin.


Dhanka kale gudoomiye kuxigeenka maamulka kumeelgaarka ee magaalada Kismaayo Col.Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa sheegay in ergooyinkii la keenayo uu shirkiina furmayo dowladuna ay gudoomin doonto.Labada warbixinood oo maqal iyo muuqaal ah halkan hoose ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here