Tababar afarta sarkaal oo ciidanka booliiska ka tirsan isuguna jira rag iyo dumar ayna maalgalinteedu leedahay dowladda Taliyaaniga isla markaasna ciidamada Boliiska AMISON ee Muqdisho ku sugan ay bixinayaa ayaa waxaa uu maanta ka furmey xarunta Dugsigii Sare ee Booliiska Xamar (Scoula Polizia) oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Tababarkaan ayaa ah qeybtii 1aad tababaro is xig-xiga oo ilaa 160 sarkaal oo ciidanka Booliiska ka tirsan loogu tala galay in ay xirfadooda xaga dambi baaris iyo sharciyada kale ee la xiriira kor loogu qaado.
Dowladda Talyaaniga ayaa maal gelineysa tababarkan oo noqonaya kii u horeeyay noociisa oo Saraakiisha Booliska AMISOM Muqdisho ku siiyaan Booliska Soomaaliya.
Taliyaha Hogaanka tababarada Jen, Maxamed Wardheere Kulane ayaa sheegay in tababarkan ay doonayaan inay ka soo baxaan Ciidamada baarista dowladda, si ay aqoon ugu yeeshaan baarista falal dambiyeed ka dhacda, si cadaalad loogu xukmiyo dadka dambiyada gala marka baaritaanada lagu sameeyo.
Ka qeybgalayaasha ee nasiib u yeeshey inay ka faa’ideysanaya tababarkaan ayaa isugu jira 30-rag iyo 10-dumar oo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana tababarkan uu uga soconaya Xarunta School Polizio oo haatan Ciidamada Booliska AMISOM xarun dhexe u tahay.
Howl galka AMISOM ayaa waxaa dhowaan ku soo biiray Ciidamo Boolis ah oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Nigeria, iyadoo Ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha sugida ammaanka ee gudaha magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee Somalia waxaa meesha ka baxey tababarkii iyo kor u qaadista aqoontii ciidanka booliiska Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan, waxaana hadda jira isku dhexyaac baahsan oo ka dhex jira ciidanka gudahiisa taasoo runtii u baahan in wax badan ay dowladda Somalia ka qabato.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com