Midowga Afrika ayaa sheegey in Muqdisho u soo guuraayaan

0
266

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamud ayaa  xafiiska Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magaacwday Soomaaliya Ambassador Annadif Mohamat Salah

Madaxweynaha iyo Danjiraha cusub ee Midowga Afrika ayaa isla soo qaadey arrimaha badan oo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyadoo dowlada madaxweyne Xasan ay ugu baaqdey midowga Africa sidii ay gacan uga geysan lahayd hirgelinta isbedelka iyo siyaasada dowlaan cusub.

Dhanka kale, Danjire Annadir ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo magaalada Muqdisho. Diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Federaalka  ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay , talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya. Halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu  baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta  Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda Soomaaliya.Tiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto.

Midowga Afrika waxaa dalka Somalia ka jooga ciidamo kor u dhaafaaya 18000 askari kuwaan dowlada Somalia ka saacida arrimaha nabadgelyo iyo tabarada ciidamada.

Idale News Muqdisho.