In ka badan 250 Arday Oo Deeq waxbarasho ka helay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ardaydan oo ka faa’ideysanaya deeq waxbarasho oo si lacag la’aan ah ay walaalaha Turkigu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa duhurnimadii maanta laga sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ardayda maanta ka dhoofay Muqdisho ee deeqda Waxbarasho ka faa’ideysanaya ayaa ka duwan fursadihii ay horey uga ambabaxeen dalka ardaydii ka horeysay waxaana ardaydan ay fursadahan ku heleen imtixaan dhanka Internetka ah.
Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa isagu ardaydan ku sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Ardaydan ay yihiin kuwoo diyaarin doona shahaadada Masterka.
Diyaarad gaar ah oo ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Airways ayaa maanta ka qaaday ardaydan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo ardaydanna ay Jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi wax ka baran doonaan.
Dowladda Turkiga ayaa iyadu ah xiligan Dowladda deeqda Waxbarasho ee ugu ballaaran ay ka helaan jiilka Soomaaliyeed ee Mustaqbalka Dalka usoo baxaya waxaana ardayda maanta ka ambabaxday Muqdisho ay kakala yimaadeen gobollada dalka oo dhan.
Idale News Muqdisho.