Iyadoo lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha shaaciyo Liiska xubnaha Wasiirada ayaa waxaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya maalintii labaad qaadanaya mushaarkooda, tan iyo markii u horeysay ee dib loo soo dhisay, iyadoo mushaar qaadashadan ay ka dambeysay markii dhowaan ay ansixiyeen Miisaaniyada dowladda ee saddexda bilood oo ah inta sanadkan ka dhiman.
Xildhibaanada ayaa tagaya dhismaha Bankiga Dhexe, halkaasoo ay ka qaadanayaan gunooyinkooda oo dhan $2000 (Labo kun doolarka Mareykanka) oo ah inta mushaar ahaan u qaadanayo Xildhibaan kasta.
Mushaarkan ayaa noqonaya kii u horeysay ee ay bixiso dowladda cusub, iyadoo dhowaan lagu wado in mushaar la siiyo shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada dowladda, sida ay sheegeen saraakiisha wasaarada maaliyada.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275-mudane ayaa ka yar tiradii hore oo aheyd 550-mudane, waxaana horay u adkeyd mushaarka la siin jiray xildhibaanada, maadaama dhaqaalaha uu aad u badnaa, hadana Xildhibaanadii hore ayaa ku doodaya in aanay qaadan mushaar muddo lix bilood ah.
Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee ay qaado dowladda Soomaaliya tan iyo markii is bedel dhinaca hogaanka uu galay dalka, waxaana tani ay yididiilo u noqoneysa xildhibaanada baarlamaanka oo horay deymo farqaha looga qabsan jiray.
Lama oga in mushaarka qaadashada socota ay qeyb ka yihiin Xildhibaanadii hore iyo in kale, waxaase la arkayay Xildhibaanada cusub oo sii galayay Bankiga Dhexe ee Silsilaweyn, oo banaankana ay u taagnaayeen dad shaxaad doon iyo kuwo deyn ku lahaa.
Idale News Muqdisho