Baraawe(INO)- Masuuliyiinta dhanka ammaanka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 ruux oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay howlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan inay ka sameeyaan Degmadaasi.
Wuxuu sheegay ciidamada inay gacanta ku soo dhigeen dad gaaraya 20 ruux, kuwaasi oo hada ay ku socoto Baaritaano.
“Dad gaaraya 20 ruux ayeey ciidanka soo qabteen howlgalo ammaanka ku aadan ayaa lagu soo qabtay, dadkaasi Shabaab ayaa lala xiriirinayaa welina baaritaano ayaa ku socdo.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Maamulka Degmada Baraawe.
Dadkaan ayaa laga soo qabtay Xaafadaha Degmada Baraawe, markii ay soo baxeen tuhuno ku aadan rag ka tirsan Ururka Al Shabaab inay soo galeen Xaafado ka tirsan Degmadaasi.
Maamulka Degmada Baraawe, ayaa sheegay inay laba jibaarayaan feejignaanta dhanka amniga ee Degmadaasi, maadaama ay jirto haliso ka imaan kara Kooxda Shabaab.
Ugu dambeyntii, Xoogaga Shabaab ayaa xilliyada qaar waxa ay weeraro qorsheysan ku aadan Saldhigyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin duleedka Degmada Baraawe.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.