20 Askari Oo Katirsan Booliska Kenya Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gaarisa

0
236

Garissa (INO) — Ugu yaraan 20 Askari oo katirsan Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in llgau dilay Weerar ka dhacay Magaalada Gaarisa, ee Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Teaser Image 20 Askari oo katirsan Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Gaarisa

Wargeysyada dalka Kenya ayaa sheegay in 20-ka Askari ay ku dhinteen Weerar Gaadmo ah oo lagula eegtay Xalay Kolonyo ay wateen Xaafadda Yumbis, oo 70Km dhanka Waqooyiga uga beegan Magaalada Gaarisa.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu gubay 4 Gaari oo kamid ahaa Gaadiidkii ay la socdeen Ciidanka Booliska Kenya, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Kenya Masoud Mwinyi. Saraakiil kale ayaa lagu dhaawacay Weerarka.

Masoud Mwinyi ayaa ku eedeeyay Weerarkaasi Kooxda Al shabaab, oo Mudooyinkii danbe Weeraro noocan oo kale ka geysanaysay dalkaasi Kenya.

Todobaadkii tagey, Kooxda Al shabaab ayaa Mudo kooban la wareegay Xaafadda Yumbis, oo xitaa ay ka taageen Calankooda Masjid halkaasi ku yaalla.

Idale News Online – Xafiiska Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here